Masuuliyiinta KULMIYE waxay soo kormeereer habsami-u-socodka kaadh-qaadashada magaalada Hargeysa

 

Masuuliyiin ka tirsan xisbul-xaakimka Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE, ayaa kormeeray habsami-u-socodka qaadashada kaadhka codbixinta ee qaar ka mid ah goobaha lagu bixinayo ee degmooyinka magaalada Hargeysa ee xarunta Gobolka Maroodi-jeex.

Masuuliyiin uu hoggaaminayey Guddoomiye-ku-xigeenka kowaad ee KULMIYE Maxamed Kaahin Axmed oo ay ka mid yihiin Xoghayaha Guud ee xisbiga Md. Xasan Siciid Yuusuf, Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex ee KULMIYE Maxamed Iid Dhimbiil, Ku-xigeenkiisa Cabdiraxmaan Hadhiye, Xildhibaan Cabdiraxmaan Cismaan Caalin iyo saraakiil kale oo xisbiga ah, ayaa kadib markii ay bilowga qaadashada kaadhka codbixinta kaga qaybgaleen xarunta Guriga Shaqaalaha maanta oo uu goob-joog ka ahaa Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici, waxay kormeer ku sameeyeen goobo kala duwan oo ay ka socoto bixinta kaadhadhka oo ku kala yaal degmooyinka 26-ka June, Axmed Dhagax iyo Maxamuud Haybe.

Madaxda oo maray goobo ay ka mid yihiin; xarunta Guriga Shaqaalaha, Khayriyada, goobta huteelka Hadhwanaag iyo dugsiga Maxamuud Axmed Cali, waxay indho-indheeyeen sida ay u socoto hawsha bixinta kaadhku, isla markaana waxay shacabka ugu baaqeen inay si buuxda u qaataan kaadhadhkooda codbixinta oo muhiimad wayn u leh qof kasta iyo guud ahaan qaranka Somaliland.

bandhige@gmail.com