Aqalka Cad oo sida fiinta uga qayliyey buug xasaasi ah oo laga qoray Madaxweyne Trump, wuxu noqday buuggii loogu iibsiga badnaa

Michael Wolff oo ah qoraa caan ah ayaa buug cusub ka qoray Madaxweyne Trump kaas oo la yidhaa “Fire and Fury: Inside The Trump White Hose” macnaheeduna yahay “Dab iyo Cadho: Ku saabsan Aqalka Cad ee Trump.”

Michael Wolff wuxu maqaal dhinaca Trump u janjeedha qoray bishii June 2016 wakhtigaas oo Trump murashax ahaa. Taasina waxay keentay in uu Trump aamino isla markaana u furo albaabada guriga cad iyadoo uu Wolff fursad u helay xog qani ah oo u suurto galisay in uu buuggan laga daba dhacay daabaco.

Buuggan oo maanta lagu faafiyey suuqyada caalamka waxaa loogu jiraa kiyuu wuxuuna noqday buuggii loogu iibsiga badnaa dunida muddo maalin ah gudaheed.

Qareennada Aqalka Cad ayaa isku dayay in ay joojiyaan faafinta buuggan wayse u suurto gali wayday. Taas beddelkeeda shirkadda buugga daabacday oo la yidhaa Henry Holt and Company waxayba baahisay afar maalmood ka hor wakhtigii loogu talo galay in suuqa la galiyo oo ah 9ka January kadib markii ay shirkaddu aragtay baahida aan xadka lahayn ee loo qabo  akhriskiisa.

Aqalka Cad ee Maraykanka looga arrimiyo oo war-saxaafadeed maanta soo saaray ayaa sheegay in xogta buuggani xambaarsan yahay tahay been iyo male-awaal isla markaana ay maxkamadda la tiigsan doonaan qoraaga buugga Michael Wolff iyo Steve Bannon oo ahaa la-taliyaha gaarka ah ee Trump, kaas oo qoraagu xogo badan oo xasaasi ah ka helay.

Buugga waxa lagu sheegay in aanu jirin qof kali ah oo ka tirsanaa kooxdii ololaha Trump oo aaminsanaa in xisbigoodu ku guulaysanayo madaxweynenimada dalka.

“Xataa Madaxweyne Trump muu doonayn in uu xilka ku guulaysto, xaaskiisuna ma ay doonayn in xaajigeedu madaxnimada ku guulaysto” ayuu yidhi Michael Wolf.

Waxa buugga lagu sheegay in wiil uu Trump dhalay oo la yidhaa Donad Trump Jr, uu sheegay in markii lagu dhawaaqay natiijayada doorashada uu aabihii u-qaadan-waa ku dhacay isla markaana uu noqday sidii qof ku riyoonaya war aan xaqiiq ahayn oo rooxaani dhegta ugu qabatay.

Xaaskiisa Millennia ayaa la sheegay in halkii ay ka dabaaldegi lahayd markii ay maqashay warka geerida ay baroor iyo ilmo meel la kambadhuudhsatay.

Stephen K. Bannon oo ahaa madaxii hore ee istraatijiyadda Aqalka Cad ayaa sheegay in uu madaxweyne Trump ku kacay khayaamo-qaran kadib markii uu wakhtigii uu murashaxa la kulmay koox diblomaasiyiin ah oo Ruush ah iyadoo garyaqaankii gaarka ahaa ee Trump arrintaas uga digay murashaxa balse uu tiisa iska sii watay.