Shirkadda Apple waxay sheegtay in ay budhcadda internetku ay jabsan karaan iPhones, iyo kumbuyuutaraadka Macs

 

Shirkadda Apple ayaa waxay sheegtay in dhammaan qalabkeeda ay samayso ee ay ka mid yihiin taleefoonada casriga ah ee iPhones, iyo kumbuyuutaraadka Macs loo yaqaano ay leeyihiin cillad weyn oo sahli karta in budhcadda internetka ay jabsan karaan.

Balaayiin qalabkan ah oo daafadaha adduunka kala yaala ayaa halis ugu jira in la jabsado, kadib markii la ogaaday in la jabsan karo.

Shirkadda ayaa hadda soo saartay qalab kab u noqon kara cilladda.

Waxa ay sheegtay in aysan wali helin caddaymo la xidhiidha in la jabsaday qalabka.

Shirkadaha Google iyo Microsoft ayaa soo saaray war murtiyeedyo ay macaamiishooda ugu sheegayaan in adeegyada ay ka isticmaalaan ay yihiin kuwa bad qaba haddii ay sameeyaan cusboonaysiinta barnaamijyada ay qalabka ku shaqeeyaan.

Dadka isticmaala barnaamijka Windows-ka waa in ay ogaadaan in haddii ay isticmaalayaan barnaamijyada ka hortaga Virus-ka ee ay soo saaraan shirkadaha kale in ay u baahnaan doonaan cusboonaysiin si ay u bad galaan.

Wakaaladda badbaadada internetka ee Maraykanka ee lagu magacaabo CERT ayaa kal hore soo saartay digniin ah in dadka isticmaala qalabka ay iska badalaan gabi ahaanba sheyga yar ee cilladda lagu sheegay, balse digniintaas hadda waxaa loo rogay in ay kaliya cusboonaysiiyaan barnaamijka uu qalabka ku shaqeeyo.

bandhige@gmail.com