Madaxweynaha Liberia wuxu caleemo saarkiisa ku martiqaaday tababaraha Kooxda Arsenal Arsene Wenger

 

Tababaraha Arsenal Arsene Wenger ayaa BBC-da u sheegay in uu martiqaad uu ka helay madaxweynaha cusub ee Liberia George Weah si uu uga qayb galo caleemo saarkiisa oo dhici doonna dhammaadkan bishan ay ku jirno.

Tababaraha Arsenal ayaa Weah macalin u soo noqday 1990-yadii markaas oo ay ku wada sugnaayeen kooxda Monaco ee dalka Faransiiska ka dhisan.  Balse Wenger marnaba ma aanu qiyaasin in wiilkaas yar uu madaxweyne ka noqon doono Liberia.

Weah ayaa madaxweynenimo loo doortay bishii hore isaga oo helay 60% codadkii la laga dhiibtay wareeggii labaad ee doorashada. “Nolsha ninkan waa filim xaqiiqo ah. Waa wax aan la rumaysan karin. Filim cajiib ah ayaana laga matali karaa,” ayuu BBC-da ku yidhi Wenger oo ashqaraarsan.

 “Waxaan xasuustaa markii koobaad ee aan ku arkay Monaco, kayd ayaa ka muuqatay, qofna muusan aqoonin, ma jirin qof qiimeeyay heerka uu ciyaarta ka joogo, haddna wuxuu noqday ciyaartoygii ugu wanaagsanaa adduunka sannadkii 1995, haddana in uu madaxweyne ka noqdo dalkiisa waa arrin aan la aamini karin”.

Wenger wuxuu sheegay in Weah uu waligii jeclaa dalkiisa, uuna rumaysan yahay in uu qorshe lahaa. 

“George ayaan dalkiisa u raacay markii uu dagaalku ka socday Liberia, waxaana arkay dhibaatada dalka soo gaartay, arrintaas ayaana dalkiisa ka sii socotay, dalkiisa iyo dadkiisana wuu jeclaa,” ayuu yiri Wenger. 

“Markaan xasuustayda dib u celiyo waxaan arkay isaga oo ka ooyaya dagaalka Liberia ka socda, marka waa arrin farxad leh, waxaana u rajaynayaa madaxweynenimo wanaagsan .. ninkan wuxuu tusaale u yahay qof kaste oo maanta ciyaartooy ah”.

Arrintinta muragada leh ayaase ah in hawsha Horyaalka Ingiriiska ee u taalla awgeed uu u muuqdo mid aan ka qaybgali doonin caleemo saarka – inkastoo ay macquultahay haddii uu safarkiisa soo koobo.

“Waxaan filayaa mashquul ayaan noqon doonaa, balse haddii ciyaaraha la iga ganaaxo, wakhti aan caleemasaarka ku aado ayaan heli doonaa,” ayuu yiri Wenger oo wajahaya baaritaan anshax la xiriira oo uu wado xiriirka kubadda ee Ingiriiska (FA), isaga oo loo haysto hadal uu ka sheegay garsooreyaasha.

bandhige@gmail.com