Waxaa maalmahan danbe aad u soo batey aqoonyahano kala duwan oo ku biiraya xisbiyada siyaasada ee ka jira S/land, ha ugu badnaadaan labada xisbi ee Kulmiye iyo Wadani oo uu loolan adag oo tartanka madaxtooyada ahi uu ka dhaxeeyo.
Nimankaas aqoonta is biday ma jecli in aan magacaabo midkoodnee waa ragg intooda badan aqooni ku ururtey loona qiri karo takhasuskooda in ay ku fiican yihiin, lagana yaabo in ay ka midho keeni karaan.
Siyaasiyiinta horey ugu jirey xisbiyada laftoodu waxa ay leeyihiin aqoon ku filan oo ay dhici karto qaarkood in ay PHD ama master degriiba yihiin laakiin waxaan siyaasiyiin ugu koobay oo aan magaca aqoonta uga daayey ma ah niman farsmo aqooneed leh oo dabaqay aqoontooda, waxaanay inta badan ku mashquuleen hawl siyaasadeed,maamul,iyo wixii la hal maala ee kale.
Nimanka aqoon yahanada aan u aqoonsaney waxaa shaqooyinkooda caado u ahaa in ay nidaamsanaadaan,waqtiga ilaaliyaan, qodobaysnaadaan (agenda) ay ku dadaalaan in ay wax walba sidooda u ilaaliyaan, hawlahoodu marka ay dhamaadaan qiimeeya.
Halka ay siyaasiyiinta wax walba sidaa cagsigeeda yihiin; niman isku dhax daadsan, bilaa nidaam ah, wixii ay shalay ka hadleen meel aaney ugu calaamadsaneyn, been in ay sheegaan iyo in ay run sheegaan malaha beenta ayey ka jecel yihiin khiyaamada oo nimanka aqoonta lihi ay musiibo Qaran u arki karaan waa ka caadi agtooda.
Hadaba labadaas jaad ee ka midka ah hogaanka ummada hadii ay hal xisbi isugu yimaadaan keebaa la saameyn karaa? Ma siyaasigaa jiidan oo aqoonyahnkii wuxuu noqon mid khariban oo faraha laga qaad ah mise aqoonyahankaa jiidan oo wanaaga bari siyaasiga? Waxaan hubaal ah in labada qolo isku maqan yihiin oo midba midka kale saameyn ku yeelan doono kan xoogeysan doona ama guuleysan doonaan iima cada ani.
Hadiise aqoonle dadaalo waxaan hubaa in uu ugu yaraan wanaag qaar ka mid ah ku talaali karo saaxiibkiisa siyaasiga ah,hadiise uu is dhigto oo uu iskala qabsado sida siyaasi u nool yahay waxaa hubaal ah in uu markaa aqoontii ka dhax baxay oo uu noqday qalfoof aqoon lagu tilmaamo.
Hadaba aqoonle waxaa saaran meel kasta oo uu ku jiraba mucaarad iyo muxaafidba loogana baahan yahay in ay hal isku waafaqaan taasi oo ah mid kastaa in uu isbadal ku sameeyo siyaasiga uu saaxiibka la yahay, oo uu baro wanaaga iyo horumarku waxa uu ku dhisan yahay amaano,walaalnimo, run sheegnimo iyo wax kasta oo horumar dhaqan dhaqaale bulshada u hor seedaya.
Xasan Ciise – Muxalil Siyaasadeed