Arday reer Somaliland ah ayaa ku guulaystay inuu ka mid noqdo 20-ka arday ee ugu sarreeya Jaamacada Yıldız Technical University ee Turkiga

Khadar Maxamed Gahayr oo ka mid ahaa ardaydii reer Somaliland ee deeqda waxbarasho ka helay dalka Turkiga, ayaa ka mid noqday 20ka arday ee ugu sarreeya ardaydii ka qalin jebisay Jaamacadda Yıldız Technical University. Waxa shahaadadda Guddoonsiiyey isla markaana billad-sharaf ku tolay Madaxweynaha Turkiga Rajab Dayib Erdogaan.

Turkiga ayaa sannad walba deeq waxbarasho siiyaa arday tiradoodu gaadhayso ilaa 5000 oo ka kala yimaad 190 waddan kuwaas oo wax ka kala barta  ilaa 80 jaamacadood oo ku baahsan gobollada Turkiga.

Khadar Maxamuud Gahayr
Khadar M. Gahayr oo ka dhex muuqda qarday uu sawir kula jiro Madaxweyne Erdogan 11-kii Juun 2015

Khadar  wuxu ahaa ardaygii ugu darajada sarreeyey difcaddii Jaamacadda Hargeysa ka qalinjebisay sannadkii 2011-kii. Ka horna wuxu ka baxay dugsiga sare ee sumcadda leh ee Sheekh, kaas oo ay nasiib u helaan oo kaliya labeenta ardayda Somaliland.  Waxbarashadii dugsiga dhexe-na wuxu ku qaatay Sheekh Cali Ibraahim, Hargeysa.

Khadar wuxuu waxbarashadii kowaad ee jaamacada ku qaatay qaybta Xisaabaadka iyo Maamulka tirakoobka(Mathmetics and statistics with management) oo wakhtigaas bilow ku ahayd jaamacadda Hargaysa.

Ardaygan oo ay macalimiintiisu ilaa yaraantiisii ku tirin jireen in maskaxdiisu aad u sarreyso ayaa sumcad weyn ku dhex lahaa dhammaan dugsiyadii uu noloshiisa soo maray.

Jaamacaddan ku taal Turkiga Khadar wuxu ka bartay aqoonta xisaabaadka, istaatistikada iyo maamulka. Kaalintan uu ku guuleystayna waxa ay u horseedday in xukuumadda Turkigu siiyo deeq waxbarasho oo PhD ah.

Ka hor intii aanu deeqda waxbarasho u bixin Khadar wuxu ka shaqaynayey Wasaaradda Qorshaynta Qaranka iyo Horumarinta Somaliland, qaybteeda daraasaadka.

Guushan Khadar gaadhay waxay tusaale u tahay in da’yarteenu ay gaadhi karaan meesha ay hiigsanayaan haddii ay helaan waxbarasho aasaasi ah oo wanaagsan iyo fursado qorshaysan waxayna sidoo kale ku-dayasho ugu filan tahay dhallinyarada beryahan dambe ku mamay tahriibka ee noloshooda halista geliya.

Mar haddii Madaxweyne Erdogan uu ardaygan billad ku tolay una dhiirigeliyey sida ugu sarreysa qarankeenana wuxu ka mudan yahay dhiirigelin taas la mid ah ama mid ka sarreysa si ay jiilalka dhexda ku soo jira iyagana dhiirigelin ugu noqoto.

Bahda Bandhige waxa ay u mahad-celinayaa Cumar Iid Qolombi iyo Axmed Maxamed “Jaambiyoon” oo noogu deeqay xogaha dheeraadka ah ee Khadar kadib markii aanu kula xidhiidhnay telefoonka iyo warbaahinta bulshada .

bandhige@gmail.com