Madaxweyne-Ku-Xigeenka oo maanta xadhigga ka jaray Shirkadda Gadiidka ee Sahal Transport and Logistics

Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaciil “Saylici” ayaa maanta xadhiga ka jaray Shirkadda Sahal Transport and Logistics xaflad si weyn loo soo agaasimay oo ku qabsoontay Green Plaza,Hargeisa.
Waxa sidoo kale munaasibadda ka soo qayb-galay Wasiirrada Ganacsiga Dr. Muuse Qaasim, Hawlaha Guud Cabdirisaaq Khaliif, Wasiir-ku-Xigeenka Qorshaynta Qaranka Cabdikariim Axmed Mooge, Wasiir-Ku-Xigeenka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Cabdiwaaxid Cabdiraxmaan, xildhibaano iyo masuuliyiin kale.

Sahal7
Qayb ka mid ah gaadiidka casriga ah ee shirkadda oo u kala gooshi doona gobollada dalka
Sahal4
Madaxweyne-Ku-Xigeenka oo indha-indhaynaya nooca gaadiidka ay adeegsanayso shirkadda Sahal

  Shirkadda ayaa soo bandhigtay gaadiid aad casri u ah kana duwan kuwii hore ugu kala gooshi jiray gobollada. Wejiga koowaad waxay u kala gooshayaan Hargeysa, Boorama, Gabiley iyo Wajaale.

Sida uu tibaaxay Mukhtaar Cali-Faraans oo ah masuul sare oo ka socday shirkadda Sahal shirkaddani shirkaddani ay faa’iido wax-ku-ool ah ku soo kordhin doontaa isku socodkii dadka iyo alaabaha ee gobollada galbeedka.

“Shirkaddu waxay ku dedaashay sidii ay dalka ugu soo kordhin lahayd gaadiid cusub oo wax-ku-ool ah, casri ah, rakaabkuna amni ahaan isku hallayn karaan raaxona dareemi karaan inta ay saaran yihiin” ayuu yidhi Mukhtaar.

DSC02448
Madaxweyne-Xigeenka waxa munaasibadda ku wehelinayey xubno ka tirsan golaha wasiirada
Sahal transport3
Qaar ka mid ah shaqaalaha shirkadda oo ka qayb-galay munaasibaddii maanta
DSC02457
Wasiirka Ganacsigu wuxu sheegay in shirkaddani dardargelin doonto isu-socodka ganacsiga iyo koboca dhaqaalaha

 

bandhige@gmail.com