Kooxda Arsenal ayaa gurigeeda waxay ku hakisay kooxdii Leicester City ee xawaaraha ku socotay, kadib markii ay 2:1 kaga badisey, goolasha waxa ku hormartey kooxda Leicester City oo heshay gool kullaad daqiiqadii 44 waxaana u saxeexay ciyaaryahankooda Vardey, ciyaarta waxaa lagu kala nastay 0:1, kooxda Arsenal oo canaan badan dusha loosoo saarey gurigoodiina lagu dheelaayo oo ay taageerayaal badanina buuqa iyo sawaxanka isla heleen ayaa waxay daqiiqadii 71, ย latimid goolkii barbardhaca waxaana u saxeexay Thio walcot, waqti daayac kadib waxaa kooxda Leicester City niyadjab ku ridey oo dhammaadkii ciyaarta ee daqiiqadii 90-aad goolka guusha ka dhaliyey Dany Welback oo goolkullaad madaxa ku daba mariyey goolhaya kooxda Leicester City waxaana ay ciyaartii 2:1 guushu ku raacadey kooxda Arsenal.
Dhanka kale waxa kooxda Manchester City gurigeeda looga badiyey 2:1 oo ay kooxda Tottenham Hotspur ku garaacdey, billowgii ciyaarta waxaa dardar garoonka lasoo gashay kooxda martida loo ahaa ee Man city, waxayna dhawr jeer sigtey goolka kooxda Tottenham, balse daqiiqadii 54 waxaa gool kullaad heshay kooxda tottenham, waxaana u saxeexay Hary Kene,ย dadaal dheer iyo weeraro badan oo ay kooxda Man City soo qaaday waxay ku keentay goolkii barbarraha waxaana daqiiqadii 74 u saxeexay ciyaartoygeeda kelichi Iheanacho, oo gool xarago leh ku barbareeyey, ciyaartii waxay noqotay weerar iyo weerar celis waxaana goolka guushu u suuro gashay kooxda reer London ee Tottenham oo daqiiqadii 83 uu gool u dhaliyey xidigeeda chiristian Erikson. Waxaana guushu raacdey Tottenham oo kaalinta 2aad ย ku kaliyeysatay.
Kooxda Liverpool ayaa waxay ku barbaratey kooxda yar ee daalaa dhaceysa ee Astonvilla waxayna 0:6 kaga badisey guriga Astonvilla.