Madaxweyn Bashaar Al-Assad iyo xoogaga mucaaridka oo wada galay xabbad-joojin ayaa waxa uu shaki weyn ka muujiyey dhaqan-gelinta oo la rabay in ay bilaabanto dhammaadka todobaadkan.
Xabbad-joojinta ayaa waxa taageeray dawladdaha quwadaha caalamka oo ka qayb galay shirkii ammaanka ee lagu qabtay Munich todobaadkii hore.
Khudbad uu taleefishinka ka jeediyay ayuu ku sheegay in ujeedka xabbad-joojintu ay noqoto mid xasiloonni lagu abuuro misana lagu joojiyo waxa uu ugu yeedhay argagxisada sii xoojisanaysa aagga ay joogaan.
Madaxweyne Assad ayaa sheegay in Turkiga iyo Sucuudiga aanay awood u lahayn in si wax ku ool ah ay ciidamo ku soo galiyaan guddaha Suuriya.
Qaramada Midoobay ayaa waxa ay cambaaraysay duqeymihii cirka ee Isniintii lagu qaaday dhowr cisbitaal iyo dugsiyo ku yaal waqooyiga Suuriya, weerraradaasi oo la sheegay in lagu dilay ku dhawaad 50 qof.
Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Ban Ki Moon, ayaa sheegay in ay taasi aheyd xadgudub cad oo ka dhan ah shuruucda caalamiga ah.
Dhanka kale wararka ka imanaya waddanka Suuriya ayaa sheegaya in ciidammada ay horkacayaan Kurdiyiinta ay fallaagada Islaamiyiinta ka qabsadeen magaalada Tel Rifaat.
Dadka la socda arrimaha Suuriya ayaa sheegay in xooggaga ay badhitaarayaan Kurdiyiinta ay u suuragashay in ay qabsadaan magaalada inkastoo ay jiraan duqeymo ay halkaasi ku hayaan ciidammada Turkiga ee jooga dhanka kale ee xadka.