Askar ka tirsan booliska Sucuudiga oo maanta toogasho lagu dilay

Laba sarkaal oo ka tirsan bilayska Sucuudi Carabiya ayaa maanta dhintay kadib markii dablay hubaysani ay tacshiirad oodda kaga qaadeen goob ku taalla deegaan-xeebeedka Qaatif ee bariga Sucuudiga. Sidaas waxa xaqiijiyey sarkaal ka mid ah Wasaaradda Arrimaha Gudaha Sucuudiga.

Beryahan dambe waxa Sucuudi Carabiya ka dhacay toogashooyin iyo is-qarimo ay inta badan sheegtaan kooxda la baxday Dawladda Islaamiga ah ama “ISIL” loo yaqaan.

Todobaadkii ina dhaafay, laba Hindi ah oo meel iska marayey iyo nin booliis ah ayaa dhaawacmay kadib markii tacshiirad lala beegsanayey saraakiil bilays ahi ay haleeshay.

Horraantii October waxa rasaas baas ah lagaga ladaalay goob ay ku badan yihiin shiicadu oo lagu magacaabo Awamiya, una dhaw deegaan-xeebeedka Dammaam.

Dhacdooyinka rabshadaha ah ee Sucuudiga ka dhacayaa waxay soo if-baxeen amaba sii kordheen laga soo bilaabo wakhtigii uu bilaabay gulufka ka dhanka ah Xuutiyiinta Yementa ee uu hoggaaminayo xulufada Sucuudigu hor kacayo.

Bandhige@gmail.com