Askar Yuhuud ah oo maanta Falastiiniyad ku dilay Daanta Galbeed

 

Askar Yuhuud ah ayaa toogasho ku dilay haweenay falastiiniyad ah oo la yidhaa Majd Al-Khudur oo ka soo jeedda deegaanka la yidhaa Bani-Naciim.

Xukuumadda Israa’iil ayaa dilkan ku sababaysay kadib ย markii ay haweenaydu gaadhi ay wadatay si kas u jiidhsiisay gagadhi kale oo ay saarnaayeen lammaane Yuhuud ah oo da’doodu 50-naad tahay, kuwaas oo ku dhaawacmay shilkaas.

Qosyka dhaawacmay ayaa loola cararay cusbitaal ku yaar Jerusalem kadib markii haweenayda la khaarajiyey.

Rabshadahan u dambeeyey oo ka dhex qarxay Falastiin iyo Israa’iilย laga soo bilaabo bishii Oktoobar ee kal hore waxay galaafteen noloshaย 210 qof oo Falastiiniyiin ah iyo 32 Yuhuud ah.

Ururrada u dooda xuquuqda aadamaha ayaa Israa’iil ku eedeeya in ay awood xad-dhaaf ah isticmaasho si aan naxariis lahayna ula dhaqanto Falastiiniyiinta.

Colaadda u dhaxaysa Falastiin iyo Israa’iil ayaa dunidu u maaro wayday iyadoo aan la fulin heshiisyo dhawr ah oo lagu ambo-qaadi lahaa hindisaha ah in Israa’iil iyo Falastiin ay noqdaan laba dawladood oo la aqoonsan yahay oo jaar ah.

Heshiisyadaas badankooda waxay falastiin ku eedaysay in xukuumadda Yuhuuddu ay suul-daarto si ay dhul-ballaadhsi joogto ah ugu samayso dhulka Falastiin.

Bandhige@gmail.com