Horumarinta haweenka iyo hadafyada caalamiga ah (WQ: Hana Cabdi)

 

Muddo aad u dheer haweenku qayb la taaban karo kama ay ahayn horumarinta caalamiga ah. Taas beddelkeeda haweenka waxa lagu hayey tacadiyo dhinacyo badan oo ay ka mid yihiin  kufsi, iyadoo lagula kaco dhaqano caafimaadkooda iyo sharaftooda wax yeelaya sida gudniinka noocyadiisa kala duwan iyo xuquuqahooda ay waxbarashadu ka mid tahay oo marar badan loo diido ama laga dayaco.

Hase ahaatee hadafyadii la sameeyey sannadkii 2000 ee loo yiqiin “Millennium Development Goals” ayaa arrimo la taaban karo laga qabtay horumarinta haweenka. Waddamada soo koraya marka saddex qaybood loo qaybiyo laba qaybood oo ka mid ah ayaa is leekaysiiyey tirada iyo tirada wiilasha ee waxbarasho hesha. 46 dal oo dunida ka mid ah ayaa sidoo kale tirada kuraasta baarlamaanka boqolkiiba soddon ay haweenku hanteen. Sidoo kale waddamo tiro badan ayaa kordhiyey tirada hablaha jaamacadaha ka qallinjabinaysa ee shaqooyin helaysa marka loo eego tirada wiilasha oo berigii hore aad uga badnayd.

Hase ahaatee weli fari kama qodna wax-qabadka ay haweenka dunida iyo kuwa Somaliland-ba u baahan yihiin. Waddamada loo yaqaan Afrikada saxaafaraha ka hoosaysa oo aynu innaguna ka mid nahay caqabado badan ayaa hor yaalla waxbarashada gabdhaha, waxana aad uga badan tirada wiilasha ee dugsiyaga la qoro marka la barbar dhigo gabdhaha. Iyadoo sababuhu badan yihiin, waxa ugu muhiimsan in dhaqaalaha waalidku hayo ee kooban ay marka hore ka fuudh yeelaan waxbarashada wiilasha,  hablaha ay ugu talo galaan wixii soo hadha. Waxa iyaduna jirta in hablaha looga maarmi waayo hawsha guriga taasina oo kaligood lagu koobo, taasina ay keento in ay waxbarashadoodii iyo mustaqbalkoodii sidaas ku seegaan.

Nasiib-wanaag, hadafyada cusub ee dunidu hadda dejisay, kuwaas oo loogu yeedho “Sustainable Development Goals” ayaa lagu daray wax-ka-qabashada horumarka haweenka iyo sidii looga hor tagi lahaa tacadiyada ka dhanka ah haweenka. Waxa ka mid ah sidii ay dhammaan hablaha dunidu u heli lahaayeen waxbarashada aasaasiga ah ee ay xaqa u leeyihiin, sidii loo joojin lahaa dhammaan tacadiyada haweenka ka dhanka ah ee kufsigu ka midka yahay iyo sidii loo cidhib tiri lahaa caadooyinka soo-jireenka ah ee caafimaadka gabdhaha halista ku ah ee gudniinku ka mid yahay.

Sidoo kale, hadafyada caalamiga ah ee SDG waxay ka shaqaynayaan sidii haweenku ay maqaam muuqda uga heli lahaayeen siyaasadda, dhaqaalaha, teknoolojiga iyo qaddiyadaha muhiimka ah ee arrimaha bulshada.

Haddaba xukuumaddeena waxa la gudboon in ay mara walba ku baraarugsanaato in sidii ay haweenka u siin lahayd xuquuqahooda diiniga ah, sidii ay haweenka uga qayb-gelin lahayd horumarka iyo dhaqaalaha iyo sidii ay u samayn lahayd siyaasadaha dhiirigelinaya fulinta hadafyada caalamiga ah ee SDG kuwaas oo haweenka meel fiican gaadhsiin kara.

Hana Cabdi

Peer Educator at Somaliland Y-PEER Network

Hargeisa,  Somaliland