Khalkhal iyo jaho-wareer ayaa ka taagan Boqortooyada Ingiriiska iyo guud ahaan Midowga Yurub kadib markii dadka Boqortooyada Ingriiska dadkeedu u codeeyeen in ay ka baxayaan Midowga Yurub.
Ra’iisal-Wasaaraha Ingiriiska David Cameroon ayaa ku dhawaaqay in uu xilkii iska casilayo isla markaana aanu ka qayb-qaadan doonin wada-xaajoodka Ingiriisku kaga baxayo Yurub.
Gobolka muhiimka ah oo Scotland ayaa durba ku dhawaaqay in ay dadkooda afti ka qaadayaan si ay u raadsadaan in ay noqdaan dal gaar ah maadaama reer Scotland ay u codeeyaan in ay ka sii mid ahaadaan Midowga Yurub.
Hoggaamiyeyaal ka tirsan Ireland ayaa iyaguna sheegay in ay dalbadan doonaan afti ay kula midoobayaan walaalahooda Waqooyiga Ireland maadaama dadka Ireland badankiisu ayu codeeyeen in ay ka mid ahaadaan Midowga Yurub.
Magaalada London oo aqlabiyadeeddu u codaysayin ay ka sii mid ahaadaan Midowga Yurub ayaa iyadana guux ka bilaabmay, waxana la sugayaa hadalka uu jeedin doono Siddiiq Khaan oo ah mayor-ka London.
Sarifka giniga Ingiriiska ayaa muddo soddon sanno ah gaadhay halkii ugu hoosaysay taas oo muujinaysa saamaynta dhaqaale ee go’aankani ku yeelan doono Ingiriiska.
Suuqyada saamiyada iyo sarifyada ee suuqa Yurub ayaa ilaa saaka baaxaa-degaya taas oo khasaare weyni ka soo gaadhay ganacsatada waddamada Yurub.
Hoggaamiyaha Jarmalka Angela Markel oo hadal jeedisay ayaa tibaaxday in sababta ay Yurub u midowday ย ay ahayd sidii nabad loo heli lahaa kadib markii dagaallo qadhaadh ay Yurub soo martay. Waxay sheegtay in ay ka niyad-jabtay go’aanka Ingiriiska isla markaana uu Midowga Yurub wada-tashi degdeg ah isugu imanayo xarunta Midowga Yurub ee Brussels.
Go’aankan ka soo baxay Boqortooyada Ingiriiska ayaa dunida ku noqday lama-filaan, waxaana indhaha lagu hayaa halka uu biyo-dhigan doono.
Bandhige@gmail.com