Askari Yuhuudi ah oo wiil Falastiini ah ku dilay Baytulaxam

Sida ay falastiiniyiintu sheegayaan, Maalik Shaahim markii la dilay wuxu u socday in uu cabasho ka dhan ah laba nin oo Falastiiniyiin ah oo la xidhay.

Wiilkan ayaa geeriyooday kadib markii askari Yuhuudi ahi uu rasaas ku furay meel ay ku mudaharaadayeen koox Falastiiniyiin ah oo ku taal Baytulaxam, halkaas oo mudaharaad loo badaniyo in uu mudaharaad koobani ka socday.

Laga soo bilaabo kacdoonkani markii uu bilaabmay 1-dii October, waxay ciidamada Israa’iiliyiintu dileen 105 Falastiiniyiin ah, sidoo kale waxa rabshadahan ku naf waayey ugu yaraan 19 qof Yuhuud ah oo isugu jira askar iyo dadka la deegaameeyey.

Is-diiddada Falastiiniyiintqa iyo Yuhuudda ee ugu weyn ee mar walba dacarta colaadda soo kicisaa waa ku adkaysashada Israa’iil ee deegaamaynta Yuhuudda lagu deegaameeyo dhulka laga qabsaday Falastiin dagaalkii Bariga Dhexe ee 1967-dii.

Bandhige@gmail.com