Baashe Cawl oo dalka ku soo laabtay kana warbixiyey mashaariic Imaaraadku ugu deeqay Somaliland

Wakiilka Somaliland u fadhiya Imaaraadka Baashe Cawil Cumar ayaa maanta mar uu ka soo degay Maddaarka Cigaal ee Caalamiga ah wuxu warbaahinta uga warramay safarka uu Hargeysa ku yimid iyo mashaariic door ah oo dawladda Imaaraadku Somaliland ugu deeqday.

Danjire Baashe Cawil wuxu sheegay in uu hadda ku yimid martiqaad uga yimid wasiirka cusub ee Arrimaha Dibedda Dr. Sacad Cali Shire oo doonaya in uu la kulmiye danjireyaasha Somaliland dunida u kala fadhiya si loo kala xog qaato.

Danijire Baashe wuxu kale oo uu ka warbixiyey wefti Imaaraati ah oo u imanaya sidii ay u dabageli lahaayeen mashaariic ay hore uga fuliyeen dalka sida mashruucii biyaha Xumbo-weyne iyo mashruuc kale oo dhaam ahaa.

Sidoo kale Baashe wuxu sheegay in xukuumadda Imaaraadku ugu deeqayso magaalooyinka Boorama, Berbera, Hargeysa iyo Burco oo ay ka mid tahay warshad hilibka ah. Baashe wuxu hadalkiisa ku soo gunaanaday in xidhiidhka Somaliland iyo Imaaraadku sii wanaagsanaanayo, wuxuna ka digay in dadku aflegaadeeyaan mashaaruucda horumarinta ah ee dunidu Somaliand ku caawinayso.

Hoos ka daawo muuqaalka Danjire Baashe Cawil oo arrimahan faahaafhinaya.