Axkaamta Ramadaanta, Sheekh Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Xasan-Rakuub, Q.13aad

Sadaqada iyo soonka
Sadaqadu waa qashinka ka baxa qofka ee uu ku helayo dambi dhaaf iyo naxariis, gaadhigu haddii aanu saliida iska beddelin noqon maayo mid raandhiis sii lahaada oo marka dambe wuu is duqeeyaa. Sidaas oo kale sadaqadu waa dambigii qofku sameyey oo uu iska bixiyey, waana ta uu Alle SWT leeyahay:

“Ka qaad xoolahooda qayb, si ay isugu daahiriyaan, una ducee.”

Bal u fiirso aayaddaasi sida mugga leh ee ay wax u bidhaaminayso. Marka xoogaa lagaa qaado aan ku damqayn waxa aad helaysaa fudayd dambigaagi lagaa dul qaaday, sidoo kale waxa aad helaysaa duco.

Sadaqadu sidoo kale waa biriij isku xidha bulshada qaybaheeda haynta ku kala sarreeya. Mar kasta oo qofka hodanka ahi uu ka war hayo bulshadiisa liidata waxa dhexdooda ku beermaya kalgacal iyo is-jeclaysi. Qof kasta oo wax bixinaya marka la yidhaa kaaga liita wax sii wuxuu dareemayaa in aan xoolihiisi meel kale ka tagin waana ta uu Rasuulku CSW ka duuleyey ee uu ku lahaa Mucaad Ibnu Jamal RC:

“Ka qaad xoolaha intooda ladan, kuna celi intooda saboolka ah.”

Waa xoolahaagii oo adiga kaa baxay isla adigiina kugu soo noqday. Se haddii aad ku dheggenaato xoolahaaguna barako yeelan mayaan adiguna mid culays saaran yahay uun baad ahaan. Rasuulku CSW isagoo muujinaya in sadaqaddu aanay qofka musalaf ah ka dhigin wuxu yidhi:

“Sadaqadu xoolaha waxba kama nusqaamiso.”

Haddii aad lahayd wallee shilinkaa kaa baxay kuu soo noqon maayo, inta kaa baxday in ka barako badan baa ku soo geli doonta, sidoo kale inta kugu hadhay ayaa noqon doonta in kuu barakowda. Alle SWT isna isagoo qofka xoolihiisa bakhaylka ku ah la hadlaya wuxu yidhi:

“Yaanay u malayn kuwa xoolaha Alle siiyey lexejeclaysanaya in ay sidaasi u khayr badan tahay, hase ahaate waa u shar.”

Haynta iyo kaydinta xooluhu maaha mid la diidan yahay. Haseyeeshee waa in aad ogaataa in xoolahan uu Alle SWT ku siiyey, sababta laguu siiyeyna aanay ahayn jacayl khaas ah oo adiga laguu qabo, balse ay tahay imtaxaan lagugu eegayo sida aad ka yeeshana masiirkaagu noqon doono.

Sadaqaddu waxa ay ka qayb qaadata cimri-dhererka. Marka laga hadlayo in cimrigii laguu qoray wax lagugu darayo maaha, sida culimo badani ku tagsan yihiin, hase yeeshee waa in cimrigii lagu siiyey barako ku yeesho. Sidaasuu Rasuulku CSW u lahaa:

“Sadaqadu cimriga way dheeraysa.”

La soco qaybaha dambe. Wixii su’aalo aad qabto waxa aad kala xidhiidhi kartaa Sheekh Cabdirisaaq cabdirisaaqafrican@hotmail.com