Axkaamta Ramadaanta, Sheekh Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Xasan-Rakuub, Q.14aad

Sadaqada iyo soonka (2)
Haddii sadaqo aynu bixinnay cimrigu inoogu dheeraanayo tolow aakhiro marka la joogo na sidee baynu ku noqon doona bixinta sadaqada?

Xadiiska qiimaha badan ee ka warrama maalinta aan hadh jirin ee la taagan yahay bannaanka qiyaamaha ayaa Rasuulku CSW wuxu dadka maalintaa bacadka taagan ka soo reebay dad toddoba astaamood laga helay kuwaas oo iyagu helaya hadhka Alle SWT ugu talo galay.

Toddobadaa waxa ka mid ahaa sida xadiisku sheegay qof wixii ay gacantiisa midig bixisay aanay ogaan gacantiisa bidixdu.

Sida caadiga ah marka qofku wax bixinayo labadiisa gacmood ayaa isku kaashada bixinta oo lacagta wada tiriya, haddii uu laab dhiibayana sidoo kale labada gacmood ayaa isku kaashada. Bal haddaba ka warran gacantii ugu dhawayd haddii aanay ogayn waxay bixisay saaxibadeed. Murti Soomaaliyeed baa ahayd, “Midigtuba miciin ma leh hadday bidixdu maqan tahay.”  Waxa aad arkaysaa in labadii mataanaha ahaa sidaa ku kala tageen. Waxa aad arkaysaa in aan dhayal lagu helayn galladaha Alle SWT oo shaqo dheeraad ah lagaaga baahan yahay. Markaa waa halka aad is dhigto qof wallow ba.

Soonka dhexdiisa in aad wax sadaqaysato oo dadku wax wada qabaan waa mid la dhiirigeliyey. Rasuulka CSW waxa ka sugan inuu yidhi:

“Qofka qof sooman afuriya wuxu leeyahay ajarka qofka sooman.”

Culimadu marka ay sharraxayaan xadiiskaa waxa ay yidhaahdaan; laga qaadi maayo kan la afuriyey ajarkiisi ee ajarkiisa oo kale ayaa ka wax afuriyeyna la siinaya.

In aad ka war hayso jaarkaaga jilicsan waa mid loo baahan yahay oo dambi ba waxa kuugu filan in adigoo dharagsan jaarkaagiina kugu ag bakhtiyayaan. Waana mid maanta dhacda. Waxan aad arkaysaa xaafad dhan oo aan dab loo shidin haddana asturan, taas oo keentay in ay ka dhawrsadaan in ay dadka wax waydiistaan. Alle SWT isaga oo wax walba innooga xogogaal badan waxa uu inoo bidhaamiyey ka war haynteeda:

“Ka wax-ma-garatada ahi wuxu u malaynayaa dad xoolo leh dhawrsanaantooda awgeed, waxaad se ku garan kartaa tilmaamahooda, dadkana wax ma waydiiyaan.”

Kuwaa ayaa ah in la ogaado oo laga war hayo, si Alle koreeye inoogu naxariisto. Inta badan maanta waxa ina wareeriyey dad ay wax-weydiisashadu shaqo u noqotay oo aan gaajo soo saarin, kuwaas oo masaajiddadii lagaga tukan kari la’ yahay, halka kuwii ay ahayd in laga war hayo ee jaar iyo ehel ba lahaa la dayacay.

La soco qaybaha dambe. Wixii su’aalo aad qabto waxa aad kala xidhiidhi kartaa Sheekh Cabdirisaaq cabdirisaaqafrican@hotmail.com