Shirkadda Facebook waxay markii kowaad xafiis ka furatay Afrika

Barta Facebook oo calanka u sidda warbaahinta bulshadu ku wada xidhiidho oo beryihii u dambeeyey xawaare sare ku socda ayaa xafiiskeedii ugu horreeyey ka furtay magaalada Joohaanisbeeg ee Koonfur Afrika. Xafiiskan cusub waxa looga dan leeyahay in uu kordhiyo tiro 120 milyan ah oo Afrikaan ah oo hadda hadeegsata barta Facebook.

Xafiiskani sida la filayo wuxu diiradda saari doona suuqa Facebook ee xawliga ku koraya ee wadammada Kiiniya, Nayjeeriya iyo Koonfur Afrika.

Shantii qof ee Afrikaan ahba hal qof ayaa hadda internet heli kara. Waxa la filayaa in tiradani korodho sannadka 2020. Boqolkiiba sideetan dadka isticmaal Facebook ee qaarada Afrika ayaa ka isticmaala telefoonada gacanta.

“Halkani waa halka aanu ka filayno inay ka soo baxaan bilyan kale oo isticmaala adeeyaga” sidaasna waxa sheegay madaxweyne-xigeenka barta Face book ee qaaraddaha Yurub, Bariga dhexe iyo Afrika.

Barta Face book waxa kale oo aya sheegtay rajaynayaa in joogitaankooda qaaraddu ka qayb qaadan doono hor-u-marka wadamadda Senigal, Ifari Koost, Gana, Tansaniya, Ruwanda, Yugandha, Saambiya, Mosambiik, iyo Itoobiya.