Madaxweyne Siilaanyo wuxu danjireyaal u magacaabay Baashe Cawil iyo Mingiste

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa maanta magacaabay laba danjire oo cusub. Cabdi Maxamuud Saleebaan Ciise (Mingiiste) waxaa loo magacaabay in uu Somaliland danjire uga ahaado Shiinaha halka Baashe Cawil Cumar-na loo magacaabay danjiraha Somaliland u fadhiya Imaaraadka Carrabta.

Baashe Cawil waxa soddog u ah Madaxweynaha Somaliland.

War-saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Somaliland oo uu ku saxeexan yahay Afhayeenka Madaxtooyada Axmed Saleebaan Dhuxul ayaa u dhignaa sidan:

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu digreeto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/M/XERM/249-3383/062015, ku magacaabay laba danjire oo cusub, Somaliland u fadhiyi doona Dalalka China iyo Isu-tagga Imaaraadka Carabta.

Madaxweynuhu:-

Markuu Arkay: Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad, Xarafka (r) ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda Wakiiladda Somaliland u fadhiya dalalka dibaddu u leeyihiin dhismaha Qaranka;

Markuu Arkay: In baahi loo qabo magacaabista iyo buuxinta jagada Wakiilada Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya Dalalka China; iyo Isu-tagga Imaaraadka Carabta.

Markuu Ka Fiirsaday: Kartidooda, aqoontooda iyo hufnaantooda shaqo;

Markuu Ku Qancay: In ay hanan karaan xilkan loo magacaabay;

Wuxuu go’aansaday

1. In Mudane, Cabdi Maxamuud Saleebaan Ciise (Mingiiste), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wakiilka Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya Dalka China
2. In Mudane, Baashe Cawil Cumar, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wakiilka Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya Dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta.

ALLAA MAHAD LEH
Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.