Axkaamta Ramadaanta, Sheekh Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Xasan-Rakuub, Q.18aad

Tobanka dambe ee Ramadaan

Tobanka u dambeeya Ramadaan, waa habeennada ugu qiimaha badan habeenno uu Alle SWT abuuray, marka tobanka dambe soo gasho, waxa loo dadaallaa si ka sii wanaagsan intii hore oo dhan, Caa’isha Rc waxa ka sugnaaday, “Markuu bilaabmo tobanka dambe Rasuulku dhiisha ayuu guntiga ka xidhi jiray, habeenkana wuu noolayn jiray, ehelkiisana wuu toosin jiray.” Markaa adna waa inaad qorshaha ku darsato in aad xawligaaga kordhiso marka toban kani soo galo. Inta badan dadku marka tobankaa dambe soo galo daal ayey la kulmaan ay labaatankii hore ku soo yar caajiseen, taasana keentay in dardar galin xagga cibadadaa ah la sameeyo, waxana soo korodha cibaadada Tahajudka la yidhaa, salaadda oo firfircooni badan oo dadku u hayaan keenta.

Dadka qaar baa tobankaa dambe meheradahooga ku mashquula oo tobankaa ka dhigta maalmo ganacsi, sidaa darteed waxa aynu leenahay waar laydinma diidana shaqadee tobankaana ka faa’iideeya waa jaanis aydaan hubin inuu mar dambe idin soo mari doono.

Tobankan dambe waa habeenno hurdada la kala tago, Caa’isha Rc waxa ka sugan, “Labaatanka hore Rasuulku marna wuu seexan jiray marna wuu cibaadaysan jiray, laakin tobanka dambe hurdo way kala tagi jireen.” Tobankan waxa la qabtaa oogista salaadda iyo Alle SWT oo dambi dhaaf la wayddiisto isagana la xuso.

Marka laga hadlayo xuska Alle SWT waa waynayn la waynnaynayo, iyo in laga kor yeello xumaan, waxa kale oo xus la yidhaa in Alle SWT loo mahadceliyo

Ilaahay SWT cid caddaalad samaysa isagaa ugu sarreeya, adigoo khasab lagugu leeyahay  inaad Alle xusto ayaa haddana lagu leeyahay mar kasta oo aad Alle SWT xusto isna wuu ku xusayaa, Alle SWT wuxu ydih,i “I xusa aan idin xuse,”. … Xuska aad adigu Alle SWT xusaysaa waa adoo dambi dhaaf wayddiisanaya, adoo xumaan ka kor yeellaya iyo adoo u mahad celinaya galladaha uu kugu deeqay dartii.

Sidoo kale xuska uu Alle SWT adiga ku xusayaana waa inuu dambi dhaaf ku siiyo. Xilliga aad Alle SWT xusaysaa ma laha xilli sooc ah, se mar walba waad xusaysaa Alle SWT waxa ka sugan, “Kuwa in badan Alle xusa, iyagoo taagan, fadhiya ama jiifa.” Adoo iska jiifa ayaad Allaha xusaysa, adoo suuqa iska dhex maraaya, adoo shaqadaada ku jira.

Mar kasta oo carrabkaagu barto xuska Alle waa mar walba oo naftaadu xasilayso, dareemayso na deganaan, Alle SWT waxa u yidhi, “Ragga iyo dumarka Alle xusa, wuxu u diyaariyey dambi dhaaf iyo janno.”

 

Hoos ka akhri qaybihii hore:

Axkaamta Ramadaanta, Q.17aad

Axmkaamta Ramadaanta, Q.16aad

Axmkaamta Ramadaanta, Q.15aad

Axmkaamta Ramadaanta, Q.14aad

Axmkaamta Ramadaanta, Q.13aad

 Axkaamta Ramadaanta, Q.12aad

Axkaamta Ramadaanta, Q.12aad

Axmkaamta Ramadaanta, Q.11aad

Axmkaamta Ramadaanta, Q.10aad

Axmkaamta Ramadaanta, Q.9aad

Axkaamta Ramadaanta, Q.8aad

Axkaamta Ramadaanta, Q.7aad

Axkaamta Ramadaanta, Q.6aad

Axkaamta Ramadaanta, Q.5aad

Axkaamta Ramadaanta, Q.4aad

Axkaamta Ramadaanta, Q.3aad

Axkaamta Ramadaanta, Q.2aad

Axkaamta Ramadaanta, Q.1aad

Bogga Facebook: Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Xasan Rakuub

Caddaloolka Faysbuugga: Hoyga Sheekh Cabdirisaaq Xasan Rakuub

Email: cabdirisaaqafrican@hotmail.com

Tell: 063 440 85 03. 97 08 515