Axkaamta Ramadaanta, Sheekh Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Xasan-Rakuub, Q.27aad

 

Eedaabta ciidda

Waa in aad la timaadda hab-dhaqan tolmoon oo Alle SWT raalli ka yahay, kaas oo aan ahayn in aad aduu ku dabaal dagto wax naftaada dhib aakhiro iyo mid aduun u soo jiidaya, waxa kale oo la yaab leh inaad noqoto qof haan gunta ka daloosha dhaaminaya.

Haddaad waxqabadkaagi ka dhigto hal bacaad lagu lisay soo adu ismaad gabogabayn:

“Ha noqonina sida tii xadhiga ay gelinka hore soohdo, gelinka dambe furfurta.”

Alle SWT aayadda wuxu tusaale inooga bixiyey haweenay waxqabadkeegu waxyeello u ahaa nafteeda, taa soo wax ay faa’iidaysaba aan la garanayn.

Maalmaha ciidda waxa dhacda in da’yarteenni ku wada mashquulaan xaflado qoob ka ciyaar ah, oo la leeyahay waxa lagu waynaynayaa maalinta ciidda, taas oo ku soo dhacaysa un tubti haweenayda.

Waxa kale oo maalintaa la sameeya macsi Alle SWT lagu caasinayo, sinada ayaa maalinta noqota mid lagu muujiyo farxadda, da’yar hablo iyo wiilal iskugu jirta oo isla kaliyeystay maxaad ka fili aduu. Sidaa darteed waxa habboon in aynnu da’yarteenna ku nidha waar soddon cisho waxa aad soo shaqaysanayseen  hal bacaad lagu lisay haka dhigina ee Ilaahinna ka baqa is dhawra.

Waxa kale oo jira in maalinta la yidhaa waa maalin farxadeed oo jilbaha ayaa la laabaya ‘qaylaad’. Bal dib cajaladda u celiyo maalintaa lagu sheegay inay tahay maalin farxadeed inta ay inan yar innaga baabisay oo maalintaa farxadda loogu sheegay ka soo noqon waayey oo ku dambeyey mid caqaarta halkaa ka dawarsada xasuuso, adna armaad sidaa ku dambaysa.

Hoos ka akhri qaybihii hore:

Axkaamta Ramadaanta, Q.1aad

Axkaamta Ramadaanta, Q.2aad

Axkaamta Ramadaanta, Q.3aad

Axkaamta Ramadaanta, Q.4aad

Axkaamta Ramadaanta, Q.5aad

Axkaamta Ramadaanta, Q.6aad

Axkaamta Ramadaanta, Q.7aad

Axkaamta Ramadaanta, Q.8aad

Axkaamta Ramadaanta, Q.9aad

Axkaamta Ramadaanta, Q.10aad

Axkaamta Ramadaanta, Q.11aad

Axkaamta Ramadaanta, Q.12aad

Axkaamta Ramadaanta, Q.14aad

Axkaamta Ramadaanta, Q.15aad

Axkaamta Ramadaanta, Q.16aad

Axkaamta Ramadaanta, Q.17aad

Axkaamta Ramadaanta, Q.18aad

Axkaamta Ramadaanta, Q.19aad

Axkaamta Ramadaanta, Q.20aad

Axkaamta Ramadaanta, Q.21aad

Axkaamta Ramadaanta, Q.22aad

Axkaamta Ramadaanta, Q.23aad

Axkaamta Ramadaanta, Q.24aad

Axkaamta Ramadaanta, Q.25aad

Axkaamta Ramadaanta, Q.26aad

Bogga Facebook: Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Xasan Rakuub

Caddaloolka Faysbuugga: Hoyga Sheekh Cabdirisaaq Xasan Rakuub

Email: cabdirisaaqafrican@hotmail.com

Tell: 063 440 85 03. 97 08 515

SheekhRakuub.wordpress.com