Sunnayaasha Xajka:-
- In aad la timaaddo ifraad ama Xaj keli ah
- In aad talbiyada odhaahda xajka ee Labbayka Allahu la timaaddo
- Dawaafka Quduumi ee lagu bilaabo kacbada aad la timaaddo
- Dawaafka labadiisa rakcadood aad la timaaddo
- Dawaafka sagootinka
- Ninku in uu iska saaro dharka tolan xidho na dharka loogu talagalay in lagu oogo xajka
Waxyaabaha ka Xaaraanta Ah Xaajiga:-
- Dharka tolan in uu xidho intuu ku dhex jiro gudashada Xajka
- Madaxa oo ninka gudanaya Xajku wax saaro
- Haweenayda oo madaxa iyo labada gacmood qarisa ama daboosha
- Feedhashada timaha oo iidaan la marsado.
- Timaha oo la xiiro
- Ciddiyaha oo la iska guro
- In udug qofku marsado
- In uu ugaadhsado
- In uu guursado
- In uu galmo la yimaaddo
Intaa aynu soo xusnay haddii uu la yimaaddo qofka gudanaya xajka waxa lagu yeelan doona fidyo, marka laga reebo guurka uu guursaday oo aan guntamayn ama guurkaasi noqonayn mid jira. Waxa buriya Xajku waa galmo qofku la yimaaddo, taas oo waxba kama jiraan ka dhigaysa hawlqabadkiisi uu soo waday, weliba isaga oo la leeyahay dhammaystir isaga oo kaa jabay.
Qofka ka taga istaagga Carafa waxa uu ku xalaaloobaya camalkii cimrada waa uuna soo qallaynayaa waayo Xaj u jiraa ma jiro. Rasuulka CSW waxa ka sugan in uu yidhi, โXajku waa Carafa.โ
Qofka ka taga waajib ka mid ah waajibyada Xajkaย isaga waxa ku waajibay in uu dhiig daadiyo โ โneef gawracoโ. Qofka ka taga sunne ka mid ah sunnayaasha Xajka isaga waxba kuma waajibin.
ย Xoolaha La Gawraco Xajka Iyo Beddelkooda:-ย
Dhiigga la daadiyo Xajka dhexdiisu waa laba uun; mid waa ka waajibay maalinta Carafa, midka kalana waa mid ku yimaadda khalad uu xaajigu sameeyey oo kafaara-gudkeedu noqday in uu neef gawraco.
Tusaale ahaan, haddii uu xaajigu ugaadhsado waxa laga rabaa in uu kafaara-gud u bixiyo waxa uu ugaadhsaday mid nimcoolayda ka mid ah oo u dhiganta. Sidoo kale, sida aynu soo xusnayba, haddii uu ka tago waajib ka mid ah waajibyada xajka waxa lagu yeelanaya in uu neef gawraco.
dhammaad
Halkan hoose ka akhriso qaybihii ee Axkaamta Xajka:
Axkaamta Xajka, Sheekh Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Xasan-Rakuub, Q.1aad
Axkaamta Xajka, Sheekh Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Xasan-Rakuub, Q.2aad
Axkaamta Xajka, Sheekh Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Xasan-Rakuub, Q.3aad
Talo iyo tusaale ba waa xagginna
Sheekh Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Cabdilaahi Xasan-Rakuub
Facebook: Cabdirisaaq Rakuub
Tell: Telesom: 063 440 85 03. Somtel: 97 08 515
Email: cabdirisaaqafrican@hotmail.com
Rakuub.wordpress.com