Wakaaladda wararka Yonhap ee Kuuriyada Koofureed oo soo xiganaysa ilo aan la sheegin waxay ku warramaysaa in arrintaas ay u badan tahay in ay ahayd tijaabo nukliyeer.
Hore ayaa waxaa u jiray dhul gariirro dad-samee ah oo xajmigaas leh, kuwaasoo ka dhacay isla goobta tijaabada laga sameeyey, laakinse wax xaqiijin ah lagama hayo Kuuriyada Waqooyi.
Sawirro dayax-gacmeed lagu qaaday iyo xog sirdoon ayaa muujinaya in dhaqdhaqaaq uu ka jiray goobta nukliyeerka ee Punggye-ri, kaasoo la leeyahay waa tijaabadii 5aad. Jimcaha waxay sidoo kale tahay maalinta qarannimada ee dalkaas, iyadoo loo dabaal dagayo markii uu billowday hoggaanka rajiimka. Kuuriyada Waqooyi waxay munaasabadahan oo kale u adeegsataa inay ku soo bandhigto awooddeeda ciidan.
Hay’adda daraasaadka lakabyada dhulka ee Maraykanka ee la socota dhaqdhaqaaqyada lakabyada dhulku waxay sheegaysaa in gariirka waqooyiga bari ee dalkaas laga dareemay uu qarax ka dhashay, laakin ma aysan sheegin nooca qaraxa. Maraykanku wuxuu sheegay in uu isha ku hayn doono waxa ay noqon doonto sababta qaraxa.
Raysal-wasaaraha Japan Shinzo Abe wuxuu shir jaraa’id ka sheegay in haddii la xaqiijiyo in tijaabo nukliyeer la sameeyey ay Japan markaa cabasho u gudbin doonto Pyongyang.
Kuuriyada waqooyi Qaramada Midoobay ayaa ka mamnuucday in ay samayso wax tijaabo ah oo ku saabsan nukliyeer ama tiknoloojiyada gantaallada, laakin bilihii ina dhaafay aaa waxay wadday in ay tijaabiso gantaallada ballistigga, iyadoo hanjabaadana u jeedinaysay waddamada aanay ย isku fiicnayn. Tijaabadii ugu dambeysay ee ay samaysay bishii koowaad ee sannadkan ayaa la aamisan yahay in ay ahayd bam hydrogen ah, hase yeeshee tijaabada iminkana waxa loo arkaa inay tahay tii ugu xoogga badnayd ee ay abid samayso.