Maxkamadda Gobolka Hargeysi waxay Kaalliyayaal loo taxaabay jeelka iyo dacwada loo haysto

Maxkamada gobolka Hargeysa ayaa markii ugu horaysay ka hadashay hawl-wadeenno ka tirsan Maxakamaddaha racfaanka heer gobol iyo degmo ee gobolka Maroodi-jeex oo dhawaan xabsiga loo taxaabay, kadib markii lagu xidhiidhiyey sanduuq-farriimeed cusub [Accounts] oo lagu faafiyey baraha bulshadu kuwada xidhiidho [Social Media] kaasi oo la iskaga hor keennayย  bahda Caddaaladda.

Guddoomiyaha maxakamadda gobolka Maroodi-jeex Garsoore Axmed Dalmar Ismaaciil (Halac) oo War-saxaafadeed shalayย  soo saaray ayaa ka hadlay xadhiga kaalliyeyaal ka tirsan Maxakamadaha Hargeysa oo ay maxakamaddu waaran qabasho ah u jartay kadib markii ay ku lug yeesheen Facebook Accounts laga been abuuray guddoomiyaha maxakamadda racfaanka oo dhawaan la sameeyey isla markaanaba lagu faafiyey warar barobogaando ah oo ka dhan ah bahda caddaaladda guud ahaan, gaar ahaanna xasaannada guddoomiyaha racfaanka gobolka.

War-saxaafadeedkan oo nuqul kamid ahi uu soo gaadhay xalay xarunta Bandhige ayaa waxa uu Guddoomiyaha Maxkamada Gobolka Hargeysa Axmed Dalmar Ismaaciil โ€œ Halacโ€ ku yidhi:

โ€œSababta waqtigan keentay in xabsiga loo taxaabo kaalliyayaashan waxay tahay Face-book been abuurka ah oo loogu talo galay in layskaga hor keeno bahda caddaalladda iyo garsoorka isla markaanaย  lagu faafiyey warar been abuur ah oo boro-bogaande ah ayaa lagu eedeeyey in ay ku lug yeesheen. Baadhista kiiskani way socotaa, waxaana gacanta ku haya Hayโ€™adaha baadhista Dambiyada oo iyagu Maxkamada ka soo codsaday waaran sharciya oo lagu qab-qabanayo kaalliyayaashan kaasi oo ay hadda ku xidhan yihiin. waxaana la hor keeni doonaa Maxkamad awood u leh.โ€

Barta bulshada ee been abuurka ah ayaa waxa laga been abuurtay Guddoomiyaha Rafcaanka Cali Suudi Diiriye kaasi la sheegay in uu ku sameeyey isku shaandhayn kaalliyayaasha iyo arrimo kale oo xidhiidh la leh xubnaha guddida caddaaladda, warkaas ayaa waxa lagu daabacay bartaa 4-tii bishan aynu ku guddo jirno.

Halkan hoose ka eeg nuqul War-saxaafadeedka iyo beenka Face Book-ga Cali Suudi lagu baahiyey:

nuqulka-qoraalka-maxkamada

screenshot-7

bandhige@gmail.com