Baakistaan: Boqol qof iyo dheeraad ayaa ku dhintay qaraxa booyad shidaal oo qallibantay

 

Saraakiil ayaa sheegay in ugu yaraan 140 qof ay dhinteen kadib markii booyad shidaal siday ku qaraxday meel u dhaw magaalada bariga Bakistaan ku taal ee Ahmedpur.

Dad ayaa ku soo ururay meesha ay booyaddu ku qallibantay oo doonayey in ay dhurtaan shidaalka, kadibna waxa dab qabsaday booyaddii sidaas ayayna dad badani ku dhinteen. Tobanaan kale ayaa isbitaallaada lagu dawaynayaa.

Dad sigaar cabayey oo goobta joogay ayaa loo malaynayaa in ay sababeen dabka qabsaday shidaalkii daatay iyo booyaddaba, sidaa waxa ku waramay TV-ga Geo ee Bakistaan laga leeyahay isagoo soo xiganaya dad goob joog ahaa.

Wadooyinka dalkaas ayaa lagu yaqaanaa in ay khatar badan yihiin, baabuurta oo aan si fiican loo daryeelin iyo wadeyaal si bilaa taxadar ah u kaxeeya baabuurta ayaa loo aaneeyaa shilalka ka dhaca dalkaas.

Diyaaradaha qumaatiga u kaca ee ciidanka ayaa goobta loo diray si ay dadka dhaawaca ah cisbitaallada ula gaadhaan, sidaana waxa sheegay af-hayeenka ciidanka Maj-Gen Asif Ghafoor.

Warbaahinta Bakistaan ayaa baahisay sawirrada baabuur iyo maydad dhuxuloobay, waxaana laga cabsi qabaa in tirada dhimashadu sii kordhi doonto.

 

bandhige@gmail.com