Baaqqa Ururada Bulshada Rayidka ah ee Caddaaladda, Xuquuqda Aadamaha iyo Doorashooyinka

 

  1. Hordhac

Kulan ay maanta oo bishu tahay 23ka February 2017 isugu yimaadeen Ururada Bulshada Rayidka ah oo ka dhacay Xarunta SONSAF ayaa waxa lagaga hadlay arrimo door ah oo ay ka mid yihiin Caddaaladda, Saxaafadda, Xuquuqda aadamaha, Abaaraha, Doorashooyinka, aasaasida Guddida taagerida Caddaaladda iyo Xuquuqda Aadamaha ee Ururada Bulshada Rayidka ah.

Kulankan oo si gaar ah loogu gorfeeyay dar-dar gelinta arimaha caddaalada gaar ahaan taageeridda dib u habaynta iyo horumarinta Ciidanka Booliska iyadoo Ururada Bulshada Rayidka ahi u arkaan Ciidanka Boolisku inuu yahay iridda laga galo caddaaladda iyo garsoorka.

Ururada Bulshada Rayidka ahi waxay cambaaraynayaan xadhiga lagula kaco Saxaafadda ee aan waafaqsanayn sharciga iyagoo ugu baaqaya Xukuumadda Somaliland in si deg dega loo sii daayo suxufiyiinta xidhan.

Dhinaca kale, waxa shirkan lagaga dhawaaqay aas-aaska Guddida taageridda Caddaalada iyo Xuquuqda Aadamaha ee Ururada Bulshada Rayidka ah. Guddidaas oo talooyin iyo taageeraba ka geysan doonta arimaha khuseeya dib-u-habaynta Caddaalada iyo Xuquuqda aadamaha.

Geesta kale, iyadoo dhawaan la filayo in Golaha Guurtida Somaliland kulan ka yeesho muddo kordhinta Doorashooyinka Madaxtooyada iyo Golayaasha Qaranka, Ururada Bulshada Rayidka ahi waxay ku baaqayaan in Golaha Guurtidu ixtiraamo go’aankii Madaxweynaha, Xisbiyada Qaranka iyo Komishanka Doorashooyinka Qaranku ku muddeeyeen doorashooyinka Madaxweynaha, Wakiilada iyo Golayaasha Deegaanka.

Waxa kale oo ay Ururada Bulshada Rayidka ka digayaan caadaysiga Golayaasha qaranku caadaysteen dib dhigista doorashooyinka Madaxweynaha iyo Golayaasha Xeer-dejinta taas oo khatar ku ah jiritaanka iyo Qaranimada Jamhuuriyadda Somaliland, dhaawac badanna u gaysatay geedi socodka hanaanka Dimuqraadiyadda iyo Horumarka Somaliland.

Ugu dambayn, waxay Ururada Bulshada Rayidka ahi ugu baaqayaan Xukuumadda, Hayadaha Qaramada Midoobay, iyo dhamaan Bulshada Caalamka in la xoojiyo, lana dar-dar galiyo gurmadka dadka ay abaaruhu saameeyeen.

Allaa Mahad Leh.

_________________________

Mustafe Sacad Dhimbiil

Guddoomiyaha SONSAF