Guddoomiyaha Waddani wuxu Xamse Cabdiraxmaan Khayre u magacaabay Guddoomiyaha Ololaha Doorashada Madaxtooyada

 

War-saxaafadeed ka soo baxay Xisbiga Waddani oo uu ku saxeexan yahay Guddoomiyaha Waddani, ahna Musharaxa madaxweyne, ahna Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi “Cirro” ayaa lagu magacaabay Xamse Cabdiraxmaan Khayre in uu noqdo Madaxa Ololaha Doorashada  Madaxtooyada (Campaign Manager) ee Xisbiga WADDANI, waxaanu hoos imandoonaa Hoggaamiyaha Xisbiga.

War-saxaafadeedkaasi oo dhammaystirani wuxu u qornaa sida tan:

KU: Md. Xamse Cabdiraxmaan Khayre                                                                         Hargeysa

OG: Dhammaan Guddoomiyeyaasha Gobollada WADDANI                                     Rugtooda

OG: Guddida Fulinta Xisbiga WADDANI                                                        Hargeysa

OG: Hoggaanka Xisbiga WADDANI                                                                            Hargeysa

OG: Xoghayaha Guud ee Xisbiga WADDANI                                                             Hargeysa

OG: Hoggaamiyaha Xisbiga WADDANI                                                                      Hargeysa

OG: Guddoomiyaha Ku-meel-gaadhka ah ee Xisbiga WADDANI                             Hargeysa

 

Ujeeddo: Magacaabis Xil.

Markaan  darsay:                    Qodobka 30aad faqradiisa 6aad ee Xeerka Xisbiga WADDANI

Markaan Arkay:                     Baahida loo qabo in la buuxiyo xilkan

Markaan la Tashaday:            Xubnaha Hoggaanka Xisbiga WADDANI

Markaan ku Qancay:              Kartida iyo Aqoonta uu leeyahay

 

Ka dib markaan helay soo jeedinta Hoggaamiyaha Xisbiga WADDANI, sida ku xusan Qodobka 36aad faqraddiisa 4aad ee Xeerka Xisbiga WADDANI; waxan maanta oo taariikhdu tahay 22ka February 2017 u magacaabay Md. Xamse Cabdiraxmaan Khayre inuu noqdo Madaxa Ololaha Doorashada  Madaxtooyada (Campaign Manager) ee Xisbiga WADDANI, waxaanu hoos imandoonaa Hoggaamiyaha Xisbiga WADDANI.

Waxaanu ilaahay ka baryeynaa inuu horseed ka noqdo guul qaran iyo mid Xisbi, isaga oo adeegsanaya aragtida Isbeddel Caddaalad iyo Horumar ku dhisan.

 

ALLA MAHAD LEH

 

_______________________________________

Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro)

Guddoomiyha Xisbiga WADDANI