Baarlamaanka Denmark oo ansixisay sharci lagula wareegayo lacagaha ay sitaan muhaajiriintu

Baarlamaanka Denmark ayaa waxay ansixiyeen sharci lagula wareegayo lacagaha ay sitaan dadka muhaajiriinta ee soo galo waddankooda.

Denmark sannadihii u dambeeyey waxay ku xumayd qaabilaad dadka qaxoontiga, sidoo kale baarlamaanku waxay ansixiyeen in muddada lagu dheereeyo dadka xaasaska ee la soo qaadayo.

Waxa kale oo ay Denmark sheegtay in sharciga qaxoontigu la mid yahay sharciga dadka shaqo la’aanta ah ee dhashay waddankooda oo laga doonayo in ay iibiyaan xoolahooda si ay caawimo uga helaan dawladda.

Sharcigan ayaa waxa dhaleecayn badan u jeediyey Denmarka Ha’ayada Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxoontiga iyo Midowga Yurub.

Afhayeenka UNHCR Andrian Edwards oo warbaahinta kula hadlay Geneva ayaa sheegay go’aankan sharci keeni karo dhin ka dhan ah bani-aadamnimada, isagoo arrintaas ka hadlayana waxa uu yidhi:

“Go’aankan sharci ee dhigaya in boliiska Danishka ay xaq u leeyihiin in ay baadhaan qaxootiga ayna ka qaadaan lacagtooda ayaa diraysa fariin xun.”

Isagoo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi:

“Waxay keeni kartaa cabsi, takoorid halka laga doonayay taageero dadka u baahan magangelyo.”

Go’aankan ayaa waxa uu noqonayaa go’aankii ugu xumaa ee dawlad Midowga Yurub ka tirsani ku dhowaaqdo hirgelintiisa, kaas oo saameyn doona qaxoonti tiro badan oo ku sii hayaama waddamada Yurubta.

bandhig@gmail.com