Raysal-wasaaraha Israa’iil oo Ban ki Moon ku eedeeyey in uu dhiiri gelinayo argagixisada

Raysal-wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa waxa uu ku eedeeyey Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki Moon in taageero  u fidiyey argagaxisada ka dib markii uu sheegay in arrin dabiici ah tahay in ay Falastiiniyiintu iska caabiyaan qabshada Israa’iil.

Ban Ki Moon ayaa waxa hadalkan sheegay mar uu la hadlaayey Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo ay cambaareeyey qorshaha cusub ee deegaamaynta Israa’iil ee Daanta Galbeed taasi uu ku sheegay in ay tahay gardaro ka hor imanaysa xal u helida labada dal.

Xoghayaha ayaa cambaareeyay weerarrada ka dhanka ah rayidka Israa’iil, balse waxa uu sheegay in tallaabooyin ammaan oo keliya aanay joojin doonin rabshadaha.

Raysal-wasaaraha Israa’iil oo ka jawaabayey hadalka Ban ki Moon ayaa sheegay in ay hore u lumisay Qaramada Midoobay dhexdhexaadnimadeed ay ku kala saari lahayda ama ugu adeegi lahayd labad dal.

Weerarada Israa’iil aan loo meel dayin ayaa waxay galaaftaan noloshada dad rayid oo u badan haween iyo carruur.

bandhige@gmail.com