Baarlamaanka Jarmalku wuxu mamnuucay niqaamka “indho shareerka”

Xubnaha aqalka hoose ee baarlamaanka Jarmalka ayaa meelmariyay sharci qayb ahaan mamnuucaya xidhashada indho shareerka Muslimiinta.

Xeerkan ayaa hadda la horgayn doonaa aqalka sare e baarlamaanka si loo meelmariyo.

Shaqaalaha dawladda, garsooreyaasha iyo askarta ayaa laga hor istaagi doonaa in ay shaqada indho shareer ku xidhaan.

Xisbiyada dhanka midig xiga ayaa u ol’olaynayay in dalka oo dhan laga mamnuuco in indho shareer lagu xidho goobaha ay bulshadu isugu tagto.

In kabadan hal milyan oo soogalooti ah oo badan koodu ay yihiin Muslimiin bariga dhexe ka tagtay ayaa galay Jarmalka 18kii billood ee la soo dhaafay.

Arrintaas waxaa dabosocday weeraro kala duwan oo ay qaadeen dad jihaad doon ah, waxaana ka mid ahaa midkii Baarliin ka dhacay maalintii iidda masiixiyiinta ee loo adeegsaday gaariga, kaas oo ay ku nafwaayeen 12 ruux.

Wasiirka arrimaha gudaha Thomas de Maiziere ayaa sheegay in arrintan lagu mamnuucayo indha shareerku ay muujinayo sida dhaqamada kale looga dulqaadan doono Jermalka.

Xisbiyada garabka midig xiga ee Jermalka ayaa doonaya in lagu daydo Faransiiska oo meelaha bulshadu isugu timaado ka mamnuucday xirashada indho shareerka tan iyo sanadkii 2011ka.

Bishii Desembar ee sanadkii hore ayay Angela Merkel ku baaqday in indho shareerka laga mamnuuco meel kaste oo sharcigu ogol yahay, iyada oo sheegtay in uusan munaasab ku ahayn dalkeeda.

Dadka arrintan dhaliishan waxay sheegeen in mamnuucitaankan uu saamayn yar yeelan doono maadaama ay dalkaas ku nool yihiin Muslimiin yar.

bandhige@gmail.com