Raila Odinga oo aaminsan madaxbannaanida Somaliland ayaa loo cumaamaday murashax madaxweynenimo

 

Ra’iisal-Wasaarihii hore ee Kiiniya ahna hoggaamiyaha xisbiga mucaaridka ugu weyn Raila Odinga ayaa loo cumaamaday in uu murashaxa madaxweyne u noqdo isbahaysiga mucaaradka Kenya ee la yidhaa National Super Alliance Coalition, kaas oo ay ku bahoobeen 5 xisbi mucaarad.

Raila Odinga oo 72 jir ah waxay markii labaad foodda is dari doonaa Uhuru Kenyatta oo u tartamaya markii ugu dambaysay oo shan sannadood ah.

Sidii 2013, Raila wuxu madaxweyne-xigeen ka dhigtay Kalonzo Musyoka halka uu Uhuruna madaxweyne-xigeenkiisu noqonayo ka haatan kursiga ku fadhiya William Ruto. Taas daraadeed ayaa dadka Kenya u arkaan in doorashadani ay la mid tahay tii 2013-kii.

Xisbiga National Super Alliance Coalition ayaa aaminsan in uu si fudud uga guulaysan doonaan doorashada la muddeeyey in ay dhacdo 8-da August  madaxweynaha haatan ee Kenya maadaama ay dadka reer Kenya khaati ka joogaan xukunka qoyska Kenyatta iyo wax-qabad la’aan lagu eedeeyey madaxweynaha.

Raila Odinga waa siyaasiga ugu darajada sarreeya siyaasiyiinta Afrikaanka ah ee taageera aqoonsiga Somaliland isaga oo bishii August 2016 sidaas kaga dhawaaqay magaalada London mar uu ka hadlayey xarunta daraasaadka ee caanka ah ee loo yaqaan Chattam House.

“Aniga oo aan haba yaraatee ka baqanayn in hadalkaygu buuq iyo iska hor imaad dhaliyo, waxan taageersanahay aqoonsiga Somaliland. Waxanan aaminsanahay in ay Somaliland gar u leedahay in la aqoonsado” ayuu yidhi Odinga.

“Somaliland aad baan u aqaanaa. Waxan booqday wakhtigii uu noolaa hoggaamiye Cigaal” ayuu hadalkiisa raaciyey.

Dhawaqa ka soo yeedhay Odinga waxa wakhtigaa ereyo aflegaado ah kaga jawaabay safaaradda xukuumadda Soomaaliya ku leedahay Kenya, waxayna bartooda Twitter-ka ku qoreen “Hadallada Raila waa qayrul-masuulnimo. Midnimada Soomaaliyana waa lama-taabtaan.”

Haddii uu Raila madaxweyne noqdo, waxay fursad qaali ah u noqon doontaa Somaliland isaga oo sida ka muuqata taageero baaxad leh u fidin doona aqoonsiga Somaliland amaba aqoonsan doona Somaliland.

BANDHIGE NEWS