Dhallin talax gabtay (WQ: (By: Maxamed Faarax Shabele)

 

Noolaha dunida ku nool dhamaantii waxaa ugu qaalisan uguna muhiimsan banii_aadamka , baniiaadmkuna waqtiga uu noolyahay wuu koobanyahay ,waqtigaas kooban baiiaadamku dhaafa marxalado kala duwan , ka bilow dhalasho illaa dhimasho.

Waqtiga uu banii aadamku noolyahay waxa ugu qaalisan waqtiga dhalinyarnimada oo uu ah qof kasta oo dhalinyar  dahab uu haysto oo uu wax kaga badali karo noloshiisa dhamaanteed ilaa noolaha aduunka kku nool oo dhan oo uu saamayn ku yeelan karo , waxa nasiib darro ah in badan oo inaga mida ma fahansana oo dhug uma laha waqtiga dhalinta .

Horumarkan aduunku maanta gaadhay waxaa gadhwadeen ka ahaa oo horkacayay dhalinyaro , waxayna aduunka oo dhan gaadhsiiyeen ilbaxnimo buuxda , dhalinyaradu sidoo kale waxay badaleen habkii dunida looga fakari jiray waxayna horseedi u ahaayeen aduun cusub oo aaminsan fikiro ka duwan fikirkii la aaminsanaa .

Dhalinyaradii noolayd waqtigayadii dhaqdhaqaaqa gobonimo doonku waxay qayb libaax ka qaateen xorriyadii qaaradeena iyo dalalkeena waxayna buuxiyeen booskii dhalinta iyo kii odayaashaba madaama aanay jirin odayaal aqoonyahan ahaa waqtigaas , hadaba dhalinteenan maanta nool waa maalintii ay dadyowgeena,dalalkeena ,qaaradeena iyo aduunkuba inoo baahna, dalalkeenu waxay inooga baahanyahiin in ay u horseedno barwaaqo iyo xasilooni dheerada kana saarno eexda ,musuqa ,cadaalad darrada , shaqo la,aanta iyo koboc la,aanta dhaqaalaha haysta wadamadeenana, dhalinta maanta waxaa looga baahanyahay sidii ay ugu badalilahaayeen fikradihii xummaa ee dalalkeena hore looga qaaatay, ayna u cidhibtirilahaayeen saboolnimada iyo aqoonla,aanta , qaaradeena afrika maanta waxay u heelantahay oo ay u haraad qabtaa hogaan dhalinyaro ah oo ka saara dhibaatooyinka qaaradu la daaladhacayso ee ay ka midka yihiin fiditaanka cudurada la isqaadsiiyo , dhimashada hooyada iyo dhallaanka oo aad usareeysa qaaradeena  iyo kordhinta dakhliga shakhsiyeed ee dadka qaaradeena ku nool .

Maanta waa waqtiga ugu wanaagsanayd ee soo marta dhalinta aqaaradeena ,sababta oo ah aduunka oo dhan ayaa ubaahan hogaaminteeda oo ay tahay in ay ka faaidaysano aduunkana u horseedno isbadal dhab ah oo buuxa , maadama dhibaatada aduunka ka jirtaa soo kordhaysay sannadadii danbe oo ay ka mid yihiin isbadalka cimilada aduunka iyo argagaxisada caalamiga ah.

“  Nin la sugayoow adna yaad sugi”

Dhalinyarada  ku nool dhulka soomaalida hawsha iyo shaqada utaala wey ka baaxad weyntahay dhamaan dhalinta kale ee qaarada aynu ku noolnahay iyo aduunka kalaba , waxaa nasiib darro ah in ay dhalintaasi moogtahay doorka ay ku leeyihiin bulshada ku hadasha afsomaliga oo dhibatooyin aad ubalaadhan ku habsadeen una wayday cid uga gargaarta.

Dhalinta soomalidu maanta waxay doorkoodii qayb ka mid ahi ku koobeen qabiil oo ay wax walba miqyaas uga dhigteen halka qayb kalana ku koobeen gobol oo ay mooden aduuunkii halkaa gobol ee ay ku noolyihiin , waxaa jirta qolo saddexaad oo ka duwan labada qaybood ee hore waxayna kala raaceen kooxo diimeedyo kala duwan,  waana kuwa qaar ka mida horseedayaan in ay ummada waxtaraan iska daaye ay dib dhaawac , dhiasho iyo qasaare balaadhan gaadhsiinaya ummadii iyaga u haraad qabtay.

Waxaynu ubaahanahay dhalin u fakarta sidee aduunka hogaan iyo tusaale ay ugu noqon lahaayeen falowgeeda gala ,ummada somaliga ah dhibta ka saara una horseeda badhaadhe iyo barwaaqo waarta oo ay umadani asaageed ku gaadho kuna dhaafdo .

QaaradaNa