Madaxweynaha Tansaaniya wuxuu shaqada ka eryay 10 kun oo shaqaale ah

Tanzania's President elect John Pombe Magufuli addresses members of the ruling Chama Cha Mapinduzi Party (CCM) at the party's sub-head office on Lumumba road in Dar es Salaam, October 30, 2015. Tanzania's ruling party candidate, John Magufuli, was declared winner on Thursday of a presidential election, after the national electoral body dismissed opposition complaints about the process and a demand for a recount. The election has been the most hotly contested race in the more than half a century of rule by the Chama Cha Mapinduzi Party, which fielded Magufuli, 56, a minister for public works. REUTERS/Sadi Said - RTX1TYDQ

 

Madaxweynaha waddanka Tansaaniya, John Magufuli, ayaa waxa uu shaqada ka eryay ku dhawaad 10,000 oo shaqaale dawladeed ah kuwaasi oo haystay shahaadooyin been abuur ah.

Waxa uu amray in ay banneeyaan goobaha ay ka shaqeeyaan marka la gaadho 15 bisha May, haddii aanay sidaa sameyna waa la xidhi doonaa, kadibna waa la maxkamadeyn.

Magufuli ayaa ka jawaab celinayay warbixin uu saaray guddi arrintan loo saaray oo soo diiwaangeliyay 9,932 shaqaale dawladeed oo haysta shahaadooyin dugsi sare oo been abuur ah.

Tiradan ayaa waxa ay wax yar ka sarreysaa boqolkiiba 2 shaqaalaha dawladda ee waddanka Tansaaniya.

Shaqaalahaasi dawladda ayey sidoo kale suuragal tahay in la maxkamadeeyo oo haddii lagu helo dambi wax is daba marin ah waxa ay wajahayaan ilaa todoba sanno oo xadhig ah.

Baadhitaanka waxa lagu sameeyay shahaadooyinka dugsiga sare oo kaliya ee ay haystaan saraakiisha dawladda hoose, hay’adaha iyo wakaaladaha dawladda, balse lama baadhin shahaadooyinka jaamacadaha.

bandhige@gmail.com