Baarlamaanka Turkigu waxa uu kordhiyay waqtiga xaaladda deg dega ah ay ku jiraan

 

Baarlamaanka dalka Turkigu waxa uu u codeeyay in la kordhiyo muddada xaaladda degdegga ah ee dalkaasi ku jiro.

Wuxuu baarlamaanka ogolaaday in saddex bilood laga badiyo amarka deg dega ah oo la soo rogay kadib afgembigii fashilmay ee bishii July, 2016.

Hadda wuxuu sii socondoonaa illaa badhtamaha bisha April ee sannadkan.

Raysal-wasaare-ku-xigeenka, Numan Kurtulmus, wuxuu sheegay in kordhinta inay muhiim tahay.

Wuxuu tilmaamay in taageerayaasha wadaadka deggan Maraykanka ee Fethullah Gulen, ay weli si firfircoon uga howlgalaan xarumaha shacabka.

Wadaadkaasi Fethullah Gulen ayey dawladdu ku eedeysay abaabulka afgembiga fashilka ku dhammaaday.

Dawladda ayaa ka sifeysay, booliska, xeer ilaalinta, Militari, iyo waxbarashada, tobannaan kun oo qof oo looga shakisan yahay in ay taageeraan wadaadkaas, balse wadaadkan ay dawladdu eedaysay ayaa gabi ahaanba beeniyey in uu ku lug lahaa afgembigaas.

bandhige@gmail.om