Baarlamaanku waxay Trump ka dalbadeen in soo wareejiyo cajaladihii laga duubay hadaladii dhexmary Agaasimihii hore FBI-da

 

Masuuliyiin sarsare oo ka tirsan baarlamaanka dalka Maraykanka ayaa madaxweyne Donald Trump ugu baaqay in uu soo wareejiyo dhammaan cajaladaha laga duubay wada hadaladii dhexmaray isaga iyo Agaasimihii hore ee hay’adda FBI-da James Comey ee uu dhowaan shaqada ka eryey.

Hoggaamiyaha xubnaha aqalka Senetka ee xisbiga Dimuqraadiga Charles Schumer ayaa ka digay in tirtiridda cajaladahaas ay sharciga ka soo horjeeddo.

Lindsey Graham oo isna ka tirsan Senate-ka kana mid ah xisbiga Jamhuuriga ayaa sheegat in loo baahan yahay in “Aqalka Cad” ee Maraykanka looga arrimiyo uu caddeeyo in cajaladaha la sheegayo ay jiraan.

Hadaladan ayaa yimid ka dib markii Trump uu Twitterka ku soo qoray wax u muuqday hanjabaad aan toos ahayn oo uu jeediyay madaxii hore ee FBI.

Trump ayaa Comey uga digay todobaadkii hore in uu la hadlo warbaahinta, wuxuuna sheegay in ay u fiicnaan lahayd in uu rajeeyo in aan cajalado laga haynin, wadahadalladii dhexmaray.

Aqalka Cad wali ma uusan xaqiijinin mana diidin in ay jiraan cajaladahaas.

Schumer ayaa ka digay in xubnaha Dimuqraadiga ee aqalka Senate-ku in aysan u codayn doonin madaxa cusub ee FBI-da ilaa iyo inta laga magacaabayo dacwad ooge si gaar ah u baadha eedaymaha sheegaya in Ruushku uu farogeliyay doorashadii Maraykanka.

FBI-da ayaa baadhaysa macquulnimada eedaymaha sheegaya in calaaqaad uu dhexmaray Ruushka iyo ol’olihii doorashada ee Trump.

Trump ayaa diiday in uu jiray xidhiidh noocaas ah, wuxuuna sheegay in Comey uu u xaqiijiyay in aan wax baadhitaan ah lagu haynin. Wuxuu sheegay in uu Comey shaqada uga eryay in uusan si wanaagsan u qabanin hawshii loo igmaday.

Si kastaba ha ahaatee xisbiga Dimuqraadiga ayaa Trump ku eedeeyay in shaqo ka caydhinta Comey uu yahay isku day uu ku doonay in uu ku carqaladeeyo baadhitaannada ay FBI-du ku hayso Trump.

bandhige@gmail.com