Gudoomiyaha UCID Eng Faysal Cali Waraabe wuxu kulan la qaatay Ururka Mihnadlayaasha Maamulka Iyo Maaraynta Magaalooyinka Somaliland (SUMPRO)

 

Guddoomiyaha ahna Murashaxa Madaxweyne ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe ayaa shalay kulan la qaatay Ururka Mihnadlayaasha Maamulka iyo Maaraynta Magaalooyinka Somaliland ee SUMPRO.

Kulankan oo ahaa mid jawi fiican ku bilaabmay, ayaa is xog-waraysi ku aadan xaaladda dalka ka dib, waxay Xubnaha Ururkaasi iska daba mareen Xaaladda Dalku ku suganyahay, waxaanay sheegeen in ay aaminsanyihiin in Gudoomiye Faysal Cali waraabe yahay hogaamiyaha qudha ee xaaladda dalku ku suganyahay maanta ka saari kara.

Gudoomiyaha Ayaa dhankiisa dhalinyarada Ururkan u mahad-naqay, waxaanu ku booriyay in ay isku duubnaadaan, isla markaana ay meel uga soo wada jeestaan xaaladda dalka.

bandhige@gmail.com