Baarlamanka xukuumadda taagta daran ee Soomaaliya waxay bilaabeen mooshin ka dhan ah saldhiga Imaaraadka laga siiyey Berbera

 

Baarlamanka dawladda taagta daran ee lagu dhoob-dhoobay Muqdisho ayaa waxay soo dhigeen mooshinka ka dhan ah Saldhiga Imaraadka Carabta ee magaalada Berbera oo ay Somaliland siisay dawladda Imaraadka Carabta.

Mooshin oo ay Baarlamaanka Soomaaliya ka doodayeen ayaa waxa wuxu xildhibaanadda ka dhex dhaliyey muran xoogan kaasi oo markii dambe ay baarlamaankaasi u celiyeen xukuumadda taagta daran ee Soomaaliya.

Inkasta oo ay Somaliland la midowday Soomaaliya 1960-kii haddana waxay madax banaanideedii la soo noqotay 1991-kii kadib dagaal qaraadh oo la gashay Soomaaliya.

Iyadoo ay jireen tuhuno ah in ay Soomaaliya wax ka saxeexday heshiishka saldhiga Imaaraadku la galay Somaliland, ayaa waxa baarlamaanku bilaabay mooshinkan.

Dawladda Muqdisho ayaa waxay tahay mid aan gacanta ku haynin magaalada Muqdisho oo kaliya.

Wali xukuumadda Somaliland kamay jawaabin arrinta mooshinka saaka ka bilaabmay baarlamaanka Soomaaliya.

bandhige@gmail.com