Trump wuxu amray in dib u eegis lagu sameeyo heshiiskii u dhexeeyey Eeraan

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa ku amray Golaha Amniga Qaranka in ay dib u eegaan heshiiska caalamiga ah ee barnaamijka nuclear-ka Eeraan, iyo in hakinta cunaqabateynta la saaray dalkaasi ay muhiim u tahay danaha amniga qaran ee Maraykanka.

Xoghayaha arrimaha dibedda Maraykanka Rex Tillerson ayaa dib u eegistan shaaca ka qaaday salaasadii markii uu la hadlay afhayeenka aqalka wakiilada Paul Ryan.

Tillerson ayaa sheegay in Eeraan ay u hoggaansameyso masโ€™uuliyadda ka saaran fulinta heshiiskii la gaadhay 2015-kii, kadib wada-xajaoodyo ay la gashay Maraykanka, Britain, France, China, Russia iyo Germany.

Tillerson oo arrintaasi ka hadlayeyna waxa uu yidhi:

โ€œSi kastaba Eeraan weli waa dal argagixisada ku taageera meelo iyo habab badan.โ€

Qaramada Midoobay, Maraykanka iyo dalal kale ayaa horey Eeraan ugu soo rogay cunqabateyn dhaqaale, oo looga gol lahaa in lagu qasbo in ay ka tanaasusho barnaamijkeeda nuclear-ka.

bandhige@gmail.com