Bakistaan: 22 qof oo ku dhintay weerar qarax

Weerar qarax oo loo adeegsaday mooto  ayaa la beegsaday xafiiska aqoonsiga laga qaato ee magaalada Mardan ayaa waxa ku dhintay ugu yaraan 22 qof, halka ku dhowaad 30 ruuxna ku dhaawacmeen.

Dadka weerar ku waxyeeleeyey ayaa waxay safaf dhaadheer ugu jireen qaadashada kaadhka aqoonsiga kaas oo uu xafiiskani bixiyo.

Kol hore ayaa weerar weerarankan la mid ah ayaa waxa ku dhintay 150 macalin  magaalada Peshawar.

Kooxda Daalibaan qaybteeda Bakistaan ayaa sheegatay masuuliyadda weerarkan.

Sidoo kale wakaaladda wararka ee Reuters ayaa baahisay in maydad gaadhaya 16 qof iyo dhaawac badan la geeyey xarunta caafimaadka ee Bach Khan.

 

bandhige@gmail.com