Bakistaan: 25 qof oo ku dhintay weerar lagu qaaday jaamacad

25 qof ayaa ku dhintay weerar dablay hubaysan oo ka kooban 10 ilaa 12 qof ku qaadeen jaamacada Bacha Khan ee magaalada Charsadda oo ku taala waqooyi galbeed ee Bakistaan, dadka weerarkan ku dhintay ayaa waxay u badan yihiin shaqaale iyo arday dhiganaysay jaamacadda.

Tiro gaadhaysa 50 qof ayaa waxay ku dhaawacmeen weerarkan.  Bakistaan ayaa  hadda ku soo badanaya weerarada loo gaysto goobaha waxbarashada .

Wararka laga helayo milateriga Bakistaan ayaa waxay sheegayaan in ay weerarkaas ciidamadu dileen afar ka mid dablaydii weerarka soo qaaday.

Wali ma jirto cid sheegatay  masuuliyadda weerarkan, balse Afhayeen u hadlay Taalibaanka Pakistan, Mohammad Khorasani, ayaa sheegay in kooxdiisa aysan wax shaqo ah ku lahayn weerarka lagu qaaday Jaamacadda, isaga oo sheegay in goobaha aan milatariga ahayn aysan ku jirin liiska meelaha ay weeraraan.

Bayaan uu usoo diray warbaahinta ayuu Khorasani ku sheegay in weerarkani uu yahay mid ka dhan ah shareecada Islaamka.

Ra’iisul wasaaraha Pakistan, Nawaz Sharif, oo iminka booqasho ku jooga Zurich ayaa cambaareeyey “Weerarkan fuleynimada ah”, waxaana uu sheegay inuu “Si qoto dheer uga naxay dhacdadan murugada leh”.

Jaamacaddan oo ku taalla gobolka Khyber Pakhtunkhaw, ayaa waxa ay hooy u tahay in ka badan saddex kun oo arday.

 

bandhige@gmail.com