Ban Ki-moon ayaa ugu baaqay dawladaha Yurub in ay kordhiyaan gargaarka loo fidiyo muhaajiriinta

Xoghayaha Guud ee Qaramadda Midoobay Ban Ki-moon ayaa ka dalbaday dawladdaha in ay kordhiyaan gargaar ay u fidiyaan muhaajiriinta si loo yareeyo dhimashada dadka muhaajiriinta ah, dalabkan ayaa imanaya wakhtiga waddamada Midowga Yurub ay ku shirayaan Ustariya, isla markaan ku dhowaad 71 qof oo muhaajirin ah meydkooda laga heley gaadhi kuwa xamuulka qaada.

Ban Ki-moon ayaa shalay jimcihii amaanay madaxda iyo bulshada gargaarka u fidiya muhaajiriinta, balse sheegay in loo baahan yahay wax intaas ka badan si loogu taro muhaajiriinta, isagoo arrintaas ka hadlayana waxa uu yidhi:

Waxaan ugu baaqayaa dhammaan dawladdaha ku lugta leh in u fidiyaan muhaajiriinta adeega deg deg ah in fidiyaan adeegyadooda ay samata bixinayaan iyo sharciyada socdaalka muhaajiriinta oo waafaqsan xuquuqda bini-aadamka iyo inay dulqaad u heesheen si waafaqsan waajibkaadka caalamiga ah.”

Madaxa Qaramadda Midoobay ayaa sheegay in uu ahaa khasaariyii ugu balaadhnaa ay la kulmaan muhaajiriintu oo ay laba doonyood oo siday 500 qof ay ku degeen xeebaha Liibiya iyo 71 qofkii ee meydkooda laga helay gaadhiga nooca xamuulka qaada waddanka Ustariya meel u dhow xuduudka ay la wadaagto waddanka Hungari.

Madaxa Qaramadda Midoobay ay ku dhawaaqay shir lagu isku yeedho xubnaha Golaha Qaramadda Midoobay dhamaadka bisha Sibtambar si looga wada hadlo qorshana looga yeesho dhibaatada muhaajiriinta, isagoo arrrintaa ka hadlayana waxa uu yidhi:

“Tani waa musiibo bini-aadamnimo oo u baahan in si wada jir ah looga jawaabo, waa dhibaato saamaysay guud ahaan dadka, maaha mid tiro yar saamaysay.”

Sannadkan ayaa kor u kacay tirada tahriiibayaasha ka cararay waddankoodii oo ay qaar ka mid ahi dagaalo saameeyeen iyo qaar kale oo dhaqaalo doon ah.

Haatan culayska ugu badani wuxu ku dhacaa jarmalka iyo Iswiidhan oo qaata tahriibeyaasha ugu tirada badan kuwaas oo qaxootinimo u aqoonsada marka dambena sharci muwaadinimo siiya.

bandhige@gmail.com