Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki Moon ayaa waxa uu booqasho ku tegay Burundi, booqashada Ban Ki Moon ayaa waxay daaran xoojinta daddaallada lagu xalinayo qalalaasaha siyaasadeed ka taaagan Burundi tan iyo sannadkii hore.
Tiro lagu qiyaaso boqolaal qof ayaa waxay ku naf waayeen qalaalasahan tan iyo markii ay bilaabeen qalalaasahan siyaasadeed ee lagaga soo horjeedo Madaxweyne Pierre Nkurunzizaย goโaanka is sharaxaada marka saddexaad ee ku guulaystay.
Ban Ki Moon ayaa waxa maanta kulan la yeelan doonaa Madaxweyne Pierre Nkurunziza.
Sidoo kale waxa maalinta Khamiista iyaguna booqasho ku tegayay afar shan hoggaamiyo oo Afrikaan oo uu ku jira Madaxweynaha Koonfur Afrika Jacob Zuma.
Waxa socda dadaallo lagu doonayo in xal waara lagaga gaadho qalalaasaha Burundi kuwaas oo ay waddaan heer Gobol iyo mid Caalamiya ahba.