Warbixin hordhac ah oo SONSAF ka soo saartay Diiwaan-gelinta Cod-bixiyayaasha Gobolka Awdal

February 13 – 19 2016: Dallada Jilayaasha aan Dawliga ahayn ee (SONSAF) iyada oo kaashanaysa Madasha Ururada Bulshada ee Arrimaha Doorashooyinka (SCISEF) waxay goobjoogeyaal maxaliya u direen 103 goobood oo ka mid ah goobaha diiwaan-gelinta codbixiyeyaasha gobolka Awdal oo dhan 138 goobood, waana markii labaad ee ururada bulshadu kormeer noocan oo kale ah ku sameeyaan diiwaan-gelinta cod-bixiyayaasha iyagoo gaadhay boqolkiiba 76, goob-joogeyaashu waxa ay sheegeen in goobaha ku yaal xuduudada Jabuuti iyo Itoobiya ay dadku ku badnaayeen.

Goob-joogeyaasha maxaliga ahi iyaga oo ka duulaya casharadii ay ka barteen gobolka Togdheer isla markaana eegaya baaxadda ay leedahay hawsha goob-joogenimadu waxa ay si joogto ah war-bixino ula wadaagayeen cida ay khusayso si talaabo haboon loo qaado. Goobjoogeyaasha maxaliga ahi waxay soo tabiyeen in abaarta baahsan ee ka jira gobolka Awdal ay saamaysay dadkii isdiiwaangelin lahaa. Mid ka mid ah dadkii isdiiwaan-gelinayey oo u waramayey goob-joogeyaasha ayaa waxa uu sheegay in ay saamayn abaaruhu ku leeyihiin diwaan-gelinta codbixiyaha, waxaanu yidhi:

“Siyaasiyiintu waa in ay maskaxda ku hayaan xaaladdaha abaaruhu keeneen in ay saamayn taban ku yeelan karto tirada dadkii la filayey in ay gobolka iska diiwaan-geliyaan.”

Goob-joogeyaasha maxaliga ahi waxa ay xaqiijiyeen in guud ahaan diiwaan-gelinta codbixintu si nabad-gelyo ah uga bilaabantay gobolka, marka laga reebo goob ka tirsan degmadda Lughaya oo ay rag hubaysan soo weerareen, kadibna ka qaateen qalabkii diiwaangelinta, isla markaana dhaawac fudud soo gaadhsiiyey laba qof oo mid ka mid ahi yahay askartii goobta ilaalinaysay iyo qof shacab ah. Dhacdadani waxa ay xidhiidh la leedahay muranka dhanka xadka ah ee ka dhexeeya gobolada Awdal iyo Maroodi-jeex, laakiin goobtani (Hadayta) kamay mid ahayn goobihii hore loogu muransanaa.

Wakhti xaadirkan, Dawladda iyo Xisbiyada Qaranku waxay isku waafaqeen in diiwaangelinta laga hirgaliyo goobaha lagu muransan yahay si muwaadiniintu aanay u waayin xaqqooda isdiiwaan-gelineed. Sidaa daraadeed, Ururada Bulshadu waxay ku talinayaan in kala xadaynta gobolada iyo degmooyinka ee u dhexeeya saddexda gobol ee Awdal, Maroodi-jeex iyo Saaxil, in loo baahan yahay go’aan siyaasadeed in lagu dhameeyo si xal waara looga gaadho.

Wasaaradda Arrimaha Gudduhu waa in ay door ka hor-tag ah ka qaadato goobaha lagu muransan yahay oo ay xoojiso ammaanka goobahaas. Goob-joogeyaasha maxaliga ahi waxay soo tabiyeen in cilado yar-yar oo farsamo ay dhaceen gaar ahaan labadii maalmood ee ugu horeeyey, iyadoo tani aanay ku koobnayn gobolka Awdal oo kaliya ee sidoo kalena ay ka dhacday gobolka Togdheer.

Goob-joogeyaashu waxa ay sheegeen in shaqaale karti leh oo ka socday Guddida Doorashooyinku ay u xalliyeen si wanaagsan. Iyadoo lagu duulayo waxyaabaha aan soo sheegnay, goob-joogeyaasha iyo ururada bulshada ee gobolku waxay la kulmeen madax dhaqameed muujiyey cabashooyin ku saabsan diiwaangelinta iyo in goobuhu ku yar yihiin gaar ahaan degmada Boorama. Markiiba cabashooyinkan waxa si degdeg ah uga hawl-galay Guddida Doorashooyinka oo ku kordhiyay qalab diiwaangelineed oo dheeraad ah goobaha Boorama guddaheeda.

Dareenka goob-joogeyaasha maxaliga ahi ka bixiyeen wacyigelintu waxay ahayd in ay aad u hoosaysay oo aanay gobolka wada gaadhin, inkastoo ay jireen dad is abaabulay oo ay ku jireen dhallinyar, dumar iyo madax dhaqameed ay wacyigelin iskood u sameeyeen iyagoo dadka ku abaabulayay in ay isdiiwaan-geliyaan. Booqashadii Xisbiyada Qaranku ay gobolka ku tageen waxa ay iyaduna xoojisay in ay dadwaynuhu u soo baxaan diiwan-gelinta.

Goobjoogeyaashu waxa ay arkeen in xisbiyadu ay xoojiyeen joogitaanka goobaha isla markaana muraaqibiin u soo direen goobaha diiwaan-gelinta marka la barbar dhigo gobolka Togdheer. Goob-joogeyaasha Maxaliga ahi waxa ay u soo jeedinayaan Wasaaradda Arrimaha Gudduhu in ay kordhiso wakiilada goobaha u jooga gaar ahaan goobaha qalabka badani yaalaan si ay hawshu u fududaato.

Horumarinta hababka cilad saarka Guddiga doorashooyinka waxay wanaajinaysaa habsami socodka hawsha diwaan-gelinta ee gobollada dhiman. Sidoo kale goob-joogeyaasha maxaliga ahi waxa ay ku talinayaan in la sii wado wacyi-gelinta isla markaana la gaadho gobollada oo dhan. Gabogabadii,

SONSAF waxay xaqiijinaysaa in ururada bulshadu ay sii wadi doonaan in ay goob-joogeyaal ka sii ahaan doonaan maalmaha dhiman ee ay diiwaangalintu ka socoto gobolka Awdal, iyada oo warbixin dhamaystirana ka soo saari doonta marka ay dhamaato. SONSAF waxa ay u mahadcelinaysaa Guddiga Doorashooyinka Qaranka, Wasaaradda Arrimaha Guddaha, Ciidanka Ammaanka, Xisbiyada Qaranka, Badhasaabka Gobolka, Maayarada Degmooyinka, Madax-dhaqameedka, Ururada Bulshada iyo dhammaan daneeyeyaasha doorashooyinku sidii ay uga qayb qaateen habsami u socodka diiwaangelinta.

bandhige@gmail,com