Bandhiga Buugga “Dharaaraa Ina Soo Maray Sooyaalkii iyo Sugaantii SNM(1981kii-1993kii) ee uu qoray Boobe Yuusuf Ducaale ayaa xalay Hargaysa lagu soo bandhigay

Waxaa xalay Xaflad bilan oo Kulmisay Haldoor badan loo qabtay gardaadinta buugga “Dharaaraa ina Soo maray” oo uu Qoray Qoraa Cabdiraxmaan Yuusuf Ducaale (Boobe).

Munaasibadan ayaa waxaa kasoo qaybgalay wasiiro ka tirsan xukuumadda, saraakiishii ururkii SNM, aqoonyahano, madaxda shirkadaha iyo kumanaan kamid dhalinyarada iyo haldoorka ku dhaqan magaalada hargaysa.

Ugu horayn waxaa madasha furay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha gudaha Mudane Maxamed Kaahin Axmed oo ku dheeraaday halgankii SNM isla markaana dhalinyarada ku gobaabiyay Guubaabiyey inaanay Taariikhda iloobin ee ay laabta ku haystaan.

Dhanka kale waxaa madasha ka hadlay Mujaahid Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax oo dhalinyarada kula dardaarmay inay Qaran Aqoonsi haysta dadaal galinayaa Maadaama Uu jiilkoodii Xornimada Dhaliyey Waxaanu Yidhi “Waxaa loo baahan yahay inaad halkaa ka sii qaadaan ilaa aad dhalisaan Qaran Tirsan oo Aduunka ka mida Waxaan ka soo baxnay Jihaadkii Askariga waxaanan u baahanahay Jihaadkii Dawlad dhiska oo aan hadda wado inaan kordhino oo jiilka dhalintu ay Dal la Aqoonsan yahay gaadhsiiyaan”

Ugu dambayntiina waxaa madasha soo xidhay oo ka sheekeyay maraaxilkii uu soo maray Buuga Dharaaro ina soo maray Soyaalkii iyo sugaantii SNM Boobe Yuusuf Ducaale.

Hoos ka daawo muqaalka warkan:- 

Image may contain: 4 peopleImage may contain: 3 people, people sitting and suitImage may contain: 6 peopleImage may contain: 4 people, people smiling, suitImage may contain: 3 people, people sittingImage may contain: 5 people, suitImage may contain: 4 people, people smilingImage may contain: 4 peopleImage may contain: 5 peopleImage may contain: 5 people, people standing and suitImage may contain: 4 people, people standing and suitBandhige@gmail.com