Wasiirka Wasaarada Dhallinyarada iyo Ciyaaruhu wuxu tababar u soo xidhay dhalinyarada degan IDP State House ka ee magalaada Hargeysa

 

Wasiirka Wasaarada Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Yuusuf Mohamed Mire “Boos” wuxuu tababar usoo xidhay dhallinyarada degan IDP-ga State House ka ee magalaada Hargeysa, tababarkan ayaa waxa lagu qabtay hudheelka Summer Time.

Tobobarkan waxa uu socday  ayaa waxa uu socday hal maalin, tababarkan waxa iska kaashaday Wasaarda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha iyo Hayada Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha dadweynaha ee magacadeed loo soo gaabiyo UNFPA.

Ujeedada Tobabarkani oo ku saabsan sidii Dhalinyarada loogu wacyigalin lahaa dhibaatada Xanuunada Taranka Caafimadka iyo HIV/AID ku u leeyahay bulshada.

Wasiirka wasaarada Dhalinayrda iyo Ciyaaraha waxa uu dhalinyadii tobabarka qaadatay kula dardaarmay in Toababar aqooneed kani yahay mid ay uga faa’iideeystaan kobaca aqoontooda ee dhanka Xuquuqda Taranka Cafimaadka iyo khatarta xanuunka HIV/AIDS ka.

Sidoo kale waxay ka qayb galay xidhitaanka tababarkna Madaxa Ha’yada UNPFA Hargeysa Faysa Ibrahim oo xustay tababarkan muhiimada uu leeyahay, sidii dhallinyarada ugu baraarugsanaan lahaayeen arrimaha la xidhiidha taranka caafimaadka iyo xanuunka HIV/AIDS.

banghige@gmail..com