Maxaad u taqaana Jacaylka? (WQ: Deeqa Xasan)

Maxaad u taqaana Jacaylka?

Goortii gabadh yar isugu geyso energy-geeda oo dhan si ay hooyadeed/aabaheed u dhunkato; Taasi waa Jaceyl.

Goortii Xaas intay Shaah u kariso Saygeeda ka dibna kabato si ay uga dhadhamiso; Taasi waa Jaceyl.

Goortii Hooyo ilmaheeda oo xanuusan ayna marna ka ag tagin ; Taasi waa Jaceyl.

Goortii saaxiibaddaa/ Saaxiibka gacanta si adag kuu qabto si qoyaanka wadada aadan ugu kufin; Taasi waa Jaceyl.

Goortii Aabe u kiciyo Qoyskiisa in ay Salaada tukadaan si uu uga badbaadiyo Naar; Taasi waa Jaceyl.

Goortii Walaalkaa/Walaashaa ay ku soo wacaan kuna weydiiyaan in aad Nabad tagtay; Taasi waa Jaceyl.

Goorti adoo wax Khaldan Samaynaya macallinkaagu kugu ciqaabo si aanad dib u samaynin ;Taasi waa jacayl.

Jaceylku ma aha uun Wiil gacanta heysta Gabadh oo magaalada la wareegaya, Ma aha wiil iyo Gabadh isku maaweeliya wax aan faa’ido u lahayn,

Jaceylku maaha sida aynu moodayno se

Jaceylku waa ficil; Is daryeelid, is xushmayn, wada shaqeyn iyo is cafin.