Beelweynta Yaasuf Isaaq oo soo bandhigtay cudduddeeda taageero ee xisbiga KULMIYE

Qore Khadar M .Xaashi

Hargeysa (Dawan) Xubnaha ugu sarreeya hoggaanka xisbiga KULMIYE, ayaa ka qaybgalay munaasibad ballaadhan oo ay beesha yaasuf isaaq oo kamid ah beelaha Sacad Muuse ku muujinaysay cududdeeda taageero ee ay u hayso xisbiga.

Munaasibadda is muujinta ah oo lagu qabtay Huteelka Guuleed ee magaalada Hargeysa, ayey madaxda xisbiga kala qaybgaleen hoggaanka dhaqanka ee beesha, xildhibaanno, siyaasiyiin, haween, haldoor iyo dhammaanba qaybaha kala duwan ee beeshu ka kooban tahay, taas oo sababtay in Hoolkii shirka loogu talo galay uu qaadi waayo taageerayaashii madasha yimi.

Qaar kamid ah madaxda dhaqanka ee Beesha, haween, qurbejoog, siyaasiyiin iyo haldoor kale oo halkaas ka hadlay ayaa caddeeyey in beeshani kamid tahay mulkiileyaasha xisbiga KULMIYE, weligeedna aanay xisbi kale hunguraynin.

Hoggaanka sare ee xisbiga KULMIYE oo uu hormuud u yahay guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, ahna wasiirka arrimaha gudaha, mudane Maxamed Kaahin Axmed oo hadalka u kala dambeeyey, ayaa ku dheeraaday kaalintii ay beeshani ku lahayd halgankii dalka iyo dibudhiskii qarankaba, waxana ay hoosta ka xariiqeen inay kamid tahay tiirarka waaweyn ee xisbiga KULMIYE ku taagan yahay.

 

 

Xigasho:wargeyska dawan Bandhige@gmail.com