Beesha Caalamku waxay Somaliland ku ammaantay doorashooyin u dhacay habsami iyo nabadgalyo

Beesha caalamka ayaa Somaliland si weyn ugu ammaantay doorasho ay ku qeexeen in ay u dhacday si habsami ah oo nabdoon. War-saxaafadeed soo baxay kadib markii lagu dhawaaqay natiijada doorashada oo ay wada-jir u soo saxeexeen waddamada kala ah Belgium, Denmark, Midowga Yurub, Finland, France, Germany, Ireland, Italy, Norway, Netherlands, Switzerland, Sweden, Ingiriiska iyo Maraykanka, waxay ku ammaaneen Komishanka Doorashooyinka ee Somaliland.

Beesha caalamku waxay sheegeen inkastoo ay jiraan galdaloolooyin ku jiray doorashada haddana may ahayn kuwo wax u dhimi kara sumcadda iyo ku kalsoonaanta doorashada.

Hoos ka akhriso war-saxaaadeedka oo af-Ingiriisi ah.

SOMALILAND ELECTION: STATEMENT BY INTERNATIONAL PARTNERS