Taageereyaasha Kulmiye oo si weyn ugu dabaal-dagay guusha Muuse Biixi

Kadib doorashadii uu sida weyn ugu guulaystay murashaxa xisbiga Kulmiye, taageereyaasha xisbiga ayaa dabbaaldegyo waawayn iyo farxad ballaadhan ku soo dhaweeyey shaacinta Madaxweynaha cusub eek u guulaystay doorashadii Madaxtooyada ee ay codbixinteeda dhiibteen toddobaadkii hore.

Kadib markii Guddiga Doorashooyinku ku dhawaaqeen natiijada doorashada Madaxtooyada ee ay ku guulaysteen murrashaxiintii xisbiga KULMIYE ee jagooyinka Madaxweynaha iyo Madaxweyne-ku-xigeenka – Md. Muuse Biixi Cabdi iyo Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), taas oo ahayd mid si toos ah loogala socday warbaahinta kala duwan sida telefishannada, idaacadda Radio Hargeysa iyo baraha bulshada, ayaa markiiba suuqyada iyo dariiqyada magaalooyinka kala duwan ee dalka waxa is qabsaday isu-soo-baxyo ay kumanaan dadweyne ahi ku soo dhaweynayaan Madaxweynaha cusub ee loo doortay dalka iyo guusha ballaadhan ee xisbiga KULMIYE ku hantiyey quluubta shacabka si uu mar labaad ugu maamulo talada waddanka.

Dabbaaldegyada ugu waawayn ee shacabku ku qaabileen Madaxwynaha cusub, ahna Madaxweynihii shanaad ee Jamhuuriyadda Somaliland yeelato tan iyo intii ay madaxbannaanideeda kala soo noqotay dalkii la isku odhan jiray Soomaaliya, waxa si wayn looga dareemay dhammaan magaalooyinka waawayn, gaar ahaan caasimadaha gobollada kala duwan ee dalka, kuwaas oo dadweynuhu si nabadgalyo ah u muujiyeen siday ugu faraxsan yihiin Madaxweynenimada Mudane Muuse Biixi Cabdi.