Dawladda Jabuuti oo hambalyeysay madaxweynaha la doortay ee Somaliland

 

Dowladda Jabuuti ayaa noqotay dalkii ugu horreeyay ee ku hambalyeeya Somaliland doorashada Madaxweynaha cusub Mudane Muuse Biixi Cabdi.

Wasiirka Maaliyadda iyo dhaqaalaha ahna Xoghaya Guud ee xisbiga talada haya ee RPP Md. Ilyaas Muuse Dawaale, ayaa qoraal kooban bartiisa twitterka ku baahiyey ku hambalyeeyey reer Somaliland doorashada u qabsoontay iyo madaxweynaha cusub ee ku guulaystay.

“#Somaliland. Worm Congratulations to elected President, Mr Moussa Bihi. Also congratulating Abdourahman Ciiro for his brilliant Campaign. We sincerely believe that all somaliland’s leaders & all somalilanders will keep stronger their faithfulness to Peace & Stability. Keep Up!” ayuu yidhi Wasiir Ilyaas.